Taliska Militariga Israel ayaa maanta soo saaray amar cusub, oo ay dadka rayidka ah ugu sheegayaan in ay isaga guuraan deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.
Militariga Israel ayaa Falastiiniyiinta reer Gaza faray in ay taggaan deegaanka Al-Mawasi, kaas oo ku yaala koonfurta Marinka Gaza.
Deir Al-Balah ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay ku badan yihiin qoysaska barakacayaasha ee horey looga soo barakaciyay deegaanada qaar ee dhaca koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Al-Mawasi ayaa ku taala xeebta oo waxay saaran tahay Badda Mediterranean-ka (Badda Dhexe), waana deegaan ciriiri ah oo muddooyinkanba marti-gelinayay boqolaal kun oo qof, una badan dadkii laga soo raray deegaanka Rafah ee ku yaala xuduudda Marinka Gaza iyo Masar.
Al-Mawasi ayaa ku fadhiso dhul dhan boqolkiiba saddex (3%), marka loo eego cabirka guud ee Marinka Gaza.
Horaan, Israel ayaa Al-Mawasi ku tilmaamtay meel nabdoon, oo ay tahay in dadkii laga barakaciyay Rafah ay taggaan, tiiyoo haddana aysan ku badbaadin qoysaska halkaasi teendhooyinka ka sameystay.
Deegaankan ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah goobaha ugu badan ee ay Israel duqaymaha ka gaysato, waana deegaanka qura ay ku sheegtay aag nabdoon amaba bani’aadantinimo.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay Gaza ka dhigtay meel aan gebi ahaanteedaba amni ahayn, isla-markaana ay dadka rayidka ah u leynayso si tiro beel ah.
Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa sheegay in aanu wax khilaaf ah ka taagneyn in dhibaato baaxad lihi ay ka jirto Marinka Gaza.
Amarka Israel ee ay dadka rayidka ah uga saareyso Deir Al-Balah ayaa loo fasirtay in ay damacsan tahay inay deegaankaasi ku ballaariso ololaheeda militari ee Marinka Gaza.
Barakacayaasha faraha badan ee ku nool Deir Al-Balah ayaa hadda isweydiinaya, sida ay ku suurtageli karto in dhammaantood ay gabaad ka helaan Al-Mawasi, marka aad eegto in deegaankaasi uu yahay mid cufan oo markii horeba ay dadku buux-dhaafiyeen.
Israel ayaa marba qaadeyso tallaabo ay uga sii dareyso masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza oo dhan, iyadoo aysan jirin cid kula xisaabtameysa amaba u ciqaabeysa.