Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo guluf ballaaran ku qaaday deegaanka Deir Al-Balah

Ciidamada Israel oo guluf ballaaran ku qaaday deegaanka Deir Al-Balah

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa Isniintan weerar ballaaran oo dhul iyo cirba leh ku qaaday deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza, ka dib markii Axaddii uu Militariga Israel uu dadka rayidka ah ugu baaqay in ay ka guuraan deegaankaasi, isla-markaana ay taggaan deegaanka koonfurta ku yaala ee Al-Mawasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay bilaabay in ay si xun u garaacaan deegaankaasi, waxaana xigay hawlgalka dhinaca kale ee ay maanta ciidamadu ugu dhaqaaqeen deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay weerar ku hayaan koonfurta iyo bariga Deir Al-Balah, oo ay buux-dhaafiyeen Falastiiniyiin fara-badan oo la soo qaxiyay.

Gawaarida gaashaaman ee Ciidamada Israel ayaa isku dayaya in ay si qoto dheer gudaha ugu galaan deegaankan, oo ay ku yaallaan xarumo iyo xafiisyo ay leeyihiin Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir ayaa sheegay in ciidamadu ay fulinayaan qorsheyaashooda dagaalka ee Gaza, illaa iyo inta laga xaqiijinayo dhammaan yoolasha dagaalka.

Taliyaha oo ka soo muuqday muuqaal la soo dhigay barraha bulshada ayaa sheegay in ciidamadu ay horumar ka sameeyeen dagaalka, isla-markaana ay gaareen sida uu yiri guulo la taaban karo, si ay u burburiyaan Xamaas.

Taliyaha ayaa sheegaya in sii socoshada dagaalka uu Xamaas ku khasbi doono in ay ogolaato heshiis keenaya in la sii daayo maxaabiista Israel ee lagu hayo gudaha Gaza.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in barakacintan cusub ee Israel ka waddo Gaza ay dhabar jab kale ku noqotay dadaalada lagu badbaadinayo dadka rayidka ah.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa weerarkan ku sheegay kiisii ugu horreyay oo ceynkiisa ah, oo Ciidamada Israel ay ku ekeeyaan deegaankaasi, inkastoo militarigoodu uu dhowr jeer soo saaray amaro dadka loogu sheegayo in ay isaga baxaan.

Ugu yaraan 49 qof ayaa illaa iyo hadda la ogyahay in ay ku dhinteen duulaankan ay Ciidamada Israel ku qaadeen Deir Al-Balah, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirka ka hawlgasha deegaankaasi.

Deegaankan oo ay ku badnaayeen qoysaska barakacayaasha ee horey looga soo eryay deegaanada qaar ee koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza ayaa ka barakacaya guryaha teendhooyinka iyo cooshada ka sameysan ee ay ka dhisteen deegaankaasi.

Sidoo kale dadkii horey u deganaa deegaanka ee marti-gelinayay qoysaska barakacayaaha ayaa xitaa ka barakacaya guryahooda, si ay uga baxsadaan dagaalkan ay Israel ku soo ballaarisay Deir Al-Balah.

Boqolaal kun oo dad rayid ah ayaa gabaadsanayay deegaankaasi, waxayna tobanaan kun oo ka mid ah ay isla maantaba bilaabeen in ay isaga cararaan Deir Al-Balah.

Dadka qaarkood ayaa la soo sheegaya in aysanba tageynin deegaanka Al-Mawasi, sababtoo ah waxay ogyihiin in deegaankaasi uusan wada qaadi karin barakacayaasha faraha badan ee haatan lagu khasbay in ay banneeyaan Deir Al-Balah.

Al-Mawasi ayaa mid ka mid ah deegaanada ugu cufsan ee ku yaala Marinka Gaza, waxayna ku fadhisaa keliya dhul dhan boqolkiiba saddex (3%), marka loo eego cabirka guud ee Marinka Gaza.

Deegaankan Al-Mawasi oo dhaca Badda Mediterranean-ka (Badda Dhexe) ayaa waxaa horey ugu soo jabay oo u soo barakacay boqolaal kun oo ka mid ah 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo Israel ay bishii May ee sanadkii 2024 ay ka soo saartay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, halkaas oo Qaramada Midoobey ay u tixgelineysay aag bani’aadantinimo, maadaama ay gabaad ka dhigteen dadkii bilowgii dagaalka ka soo qaxay guryahooda.

Ciidamada Israel ayaa 7-dii bishii May ee sanadkii hore weeraray Rafah oo saaran xadka Marinka Gaza iyo Masar, iyadoo dunida oo dhan ay ka digeysay in Israel ay duulaan dhinaca dhulka ah ku qaaddo deegaankaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc