Falastiiniyiin fara-badan oo la dhibaateysan xanibaadaha Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ayaa maanta isugu soo baxay koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo ay gaareen kolonyo sida gargaar bani’aadantinimo oo loo ogolaaday inay galaan dhulka ay macluusha ku dhufatay.
Dadweynahan oo gaajeysan ayaa bilowgii baabuurta gargaarka ku hareereeyay agagaarka barta ay Ciidamada Israel amniga ku hubiyaan ee lagu magacaabo Morag Corridor, kuna taala inta u dhaxeyso deegaaanada Rafah iyo Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay shacabka u fasaxeen in ay gargaarka kala deggaan gawaaridaasi, bedelkii ay dadku sugayeen in loo qaybiyo.
Muuqaal laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya shacabka oo ku xoomay kolonyada gargaarka, si ay uga qaataan raashiinka ay aadka ugu baahan yihiin.
Muuqaal kale oo goobta laga helay ayaa muujinaya Ciidamada Israel oo daqiiqado ka dib rasaas ku furaya shacabka aan hubeysneyn ee halkaasi isugu soo baxay, si ay u helaan cunto ay cunnaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel ay in doora sugayeen, inta ay ka soo badanayaan shacabka, markii ay kumanaan gaareena ay gargaarka u fasaxeen, waana markaas marka ay bilaabeen in ay dadka toogtaan.
Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in toogashadaasi ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay shacabka aadka u gaajeysan ee isku dayayay in ay ka faa’iideystaan gargaarka naadirka ah ee la ogolaaday in uu galo koonfurta Marinka Gaza oo dadku ay gaajo daran kula nool yihiin.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in dhowr baabuur oo gargaar ah ay galeen dhulka ay macluusha ka jirto.
Dhakhaatiirka ka hawlgasha Marinka Gaza ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay Sabtidan Gaza ku dileen 63 qof, oo ay ku jiraan 23 qof oo gargaar soo doontay.
Dadka Gaza ayaa wajahaya dhibaatadii ugu weyneyd oo cunno la’aan ah, sida ay sheegeen Saraakiisha Qaramada Midoobey.
Qaramada Midoobey ayaa Khamiistii sheegtay in lix kun oo gawaarida gargaarka ah ay ku xaniban yihiin xuduudaha Marinka Gaza, waxayna Israel ku eedeysay in aysan dooneyn in gargaarka bani’aadantinimo la geeyo Gaza.
Xafiiska Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobey (OCHA) ayaa sheegay in dadku ay gaajo ugu dhimanayaan Gaza, xilli kolonyada gargaarka lagu hortaagan yahay bannaanada Gaza.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey (OHCHR) ayaa Israel ku dhalleeceeyay in ay gargaarka u adeegsaneyso, sida hub oo kale.
Israel ayaa lagu eedeeyay in ay gaajeysiinta dadka Gaza u adeegsaneyso, si ay ugu xaqiijiso ujeedooyinkeeda dagaalka iyo in ay Marinka Gaza ka dhigto meel la haysto, taas oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.