Home Wararka Caalamka Dad kale oo gaajo ugu geeriyooday gudaha Gaza

Dad kale oo gaajo ugu geeriyooday gudaha Gaza

by Laacib

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in dadku ay wei gaajo ugu dhimanayaan Marinka Gaza, iyadoona sheegtay in ay diiwaangelisay kiisas cusub oo dhimasho ah, oo sida ay sheegtay ka dhashay gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka shacabka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa waxay sheegtay in ay diiwaangelisay shan qof oo saacadihii ugu dambeeyay nafaqo darro iyo gaajo ugu geeriyooday gudaha Gaza.

Wasaaradda ayaa warbixin ku sheegtay in tani ay wadarta guud ee dadka xaaladahan ugu geeriyooday Gaza ay ka dhigeyso 127 qof, oo 85 ka mid ah ay carruur yihiin.

Wasaaradda ayaa ka digtay in tirada dadka gaajada ugu dhimanaya Gaza ay intaasi ka badan doonto, haddii aysan dunidu jebin go’doominta Israel ee Gaza.

“Isbitaalada Gaza, dhakhaatiirtu waxay la suuxayaan gaajo, iyagoo isku dayaya inay badbaadiyaan bukaanada gaajada u dhimanaya.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warbixinteeda.

Carruurta Gaza iyo dhallaanka dhawaan dhashay ayaa buux-dhaafiyay goobaha caafimaadka ee Marinka Gaza, sida uu sheegay Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC).

IRC waxay sheegtay in carruurta Gaza oo lagu qiyaaso illaa milyan ay qaar badan oo ka mid ah wajahayaan xaalad nafaqo xumo, sababtoo ah Israel oo aan ogoleyn in gargaar badan uu galo Gaza.

Carruurta iyo ciroolaha Gaza ayaa ah kuwo ugu badan ee dhibanaha u noqday xayiraadaha Israel ee kaalmada bani’aadantinimo, walow macluushan gacan ku sameyska ah ay xitaa soo ridaneyso dadka intiisa xoogga leh.

Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa hay’adaha bani’aadantinimada ee ku sugan Gaza ayaa sheegay in xaaladdani ay qudhooda saameysay.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ay aad uga sii dareyso.

Israel ayaa la aaminsan yahay in ay dareensan tahay in bulshada caalamka ay ka carreysan tahay ficiladeeda bani’aadantinimada ka baxsan ee ay ka waddo Gaza, isla-markaana aysan dadka rayidka ah ku sii hayn karin quusta ay ku nool yihiin.

Cadaadiska muuqda iyo kan daahsoon ay Israel kala kulmeyso hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ugu yaraan ku khasbaya in ay sidaan u dhaanto shacabka ay nolosha ku ciriirisay, iyadoo la ogyahay in aysan dilka ka joojin doonin, inta uu dagaalkan socdo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc