Nin ku hubeysnaa qori ayaa toogasho ka gaystay dhisme ku yaala bartamaha Magaalada New York, halkaas oo uu ku dilay afar qof oo uu ku jiro Sarkaal Booliska ka tirsanaa, sida ay sheegeen masuuliyiinta Mareykanka.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ninkan uu gudaha u gaay dabaq dheer oo ku yaala Degmada Manhattan ee New York, ka hor inta aanu toogashada ka gaysan.
Ninkan weerarka gaystay ayaa loo aqoonsaday in uu yahay Shane Devon Tamura, oo ah 27 jir ka yimid Magaalada Las Vegas.
Tamura ayaa waxaa la sheegay in uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas la sheegay in uu iskiis isu dhuftay.
Duqa Magaaada New York, Eric Adams oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka is dilay uu toogtay shan qof, isagoo sheegay in afar ka mid ah ay dhinteen, halka midka kalena uu dhaawac yahay.
Duqa New York ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah dadka lagu dilay weerarka uu ahaa Sarkaal Ciidamada Booliska ka tirsan.
Sarkaalka weerarka ku dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Didarul Islam, kaas oo ahaa 36 jir asal ahaan ka soo jeeda dalka Bangladesh.
Dhismaha uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ku yaala xarumo ganacsi oo waaweyn, illaa iyo haddana lama garanayo sababta uu ninkaasi u beegsaday, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Duqa New York ayaa sheegay in laamaha amnigu ay ku foogan yihiin baaritaanka weerarka, wixii faah faahin ahna ay dib Saxaafadda uga la soo wadaagi doonaan.
Weerarka ayaa xalay fiidkii ka dhacay New York, waxa uuna cabsi badan ku beeray dadka ku nool magaaladaasi, iyadoona Warbaahintu ay aad u hadal hayso.