Guddiga Isku-dhafka Haqab-beelka Cuntada (IPC) ayaa ku dhawaaqay in xaaladdii ugu xumeyd oo gaajo ah ay ka jirto Marinka Gaza, taasoo uu guddigu sheegay in ay ka dhalatay xanibaadaha Ciidamada Israel ee gargaarka bani’aadantinimo.
Guddiga ayaa warbixintiisa digniinta ku sheegay in xaalad ba’an oo macluul ah ay soo food saartay Gaza, xilli Israel ay diidan tahay in Gaza la geeyo gargaar dabooli kara baahida dadka rayidka ah.
Guddiga IPC oo ah guddi ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada iyo ka jawaabidda masiibooyinka bani’aadantinimo ayaa ka digay in cawaaqib ba’an ay ka dhalan doonto, haddii aan si degdeg ah looga jawaabin gaajada daran ee ka jirta Gaza oo dhan.
Guddiga ayaa ka dardaar wariyay in heerka cunto la’aanta Gaza iyo xaaladda nafaqo darrada ay mareyso meel aad u xun.
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa xalaadda Gaza la barbardhigtay macluushii qarnigii hore ka dhacday Itoobiya iyo Biafra oo Nigeria ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in digniinta Guddiga IPC ay xaqiijineyso in Gaza ay ka jirto masiibo ba’an oo bani’aadantinimo.
António Guterres ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aan la dafiri karin xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Marinka Gaza, isla-markaana ay Falastiiniyiinta reer Gaza u adkeysanayaan masiibo bani’aadantinimo oo qiyaasaha ka baxsan.
“Falastiiniyiinta Gaza waxay u adkeysanayaan masiibo bini’aadantinimo oo ka baxsan qiyaasta halbeega. Tani maaha digniin, waa xaqiiqo ka soo ifbaxeysa indhaheenna hortooda.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
“Qulqulka gargaarku waa inuu noqdaa, sida badweyn. Cuntada, biyaha, dawada iyo shidaalka waa inay Gaza ugu qulqulaan, si aan kala joogsi lahayn oo aan lahayn wax xanibaad ah.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.
Guterres ayaa dunida ugu baaqay in juhdi badan lagu bixiyo, sidii uu gargaarka Gaza u noqon lahaa mid aan kala joogsi lahayn, isagoona ka digay in aan tani la xaqiijin karin, haddii aan loo istaagin soo afjaridda sida uu yiri xaaladdan ugu xun.
Guterres ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza, helitaanka gargaar bani’aadantinimo oo buuxa oo Gaza ah iyo in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista.
Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa dhankiisa sheegay in dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee Gaza wax looga qaban karo oo keliya, iyadoo ay Israel qaaddo xayiraadaha gargaarka dhinaca dhulka ee Gaza.
Philippe Lazzarini oo ka falcelinayay qiimeyntii ugu dambeysay ee Guddiga IPC ayaa sheegay in xaaladdii ugu darneyd oo macluul ah ay xilligan ka jirto Marinka Gaza.
“Gaajada ayaa gebi ahaanba saameysay dadka Gaza.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini oo hadalkiisa ku xoojiyay “In ka badan 100 qof ayaa u dhintay gaajo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay oo keliya. Sida keliya ee looga gudbi karo masiibadan waa in gargaar ballaaran la geliyo Gaza.”
Lazzarini ayaa sheegay in UNRWA iyo Qaramada Midoobey-ba ay khibrad u leeyihiin in ay sida ugu habboon uga jawaabaan xaaladda adag ee ka jirta gudaha Gaza.
“UNRWA oo keliya waxaa hadda xuduudaha Gaza ugu diyaarsan lix kun oo baabuur oo sida cunto iyo dawo, waxayna diyaar u yihiin in ay galaan Gaza.” Ayuu yiri Lazzarini oo intaasi ku daray “Aan qabsano shaqadeenna, iyada oo aan la xakameynin badbaadada iyo sharafta.”
Israel ayaa habeenkii Axadda ogolaatay in hay’adaha bani’aadantinimada ay hawada gargaar uga soo daadiyaan dadka Gaza, iyadoona Isniintii fasaxday gaadiid aan badneyn oo gargaar ah, oo aan ku filneyn baahida dadka reer Gaza.
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa dalbaday in la ogolaado in xagga dhulka ay gargaar ku gaarsiiyaan dadka u baahan, maadaama sida ay sheegeen aanu gargaarka hawada waxtar u lahayn in wax laga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.
Qaramada Midoobey ayaa waxay dalbaneysaa in Israel ay furto marino bani’aadantinimo oo dhulka ah, si gargaar wax ku ool ah uu u galo Gaza.
Madaxa Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobey, Tom Fletcher ayaa sheegay in Israel ay ogolaatay in Gaza la geeyo gargaar aan dabooli karin baahida dadka rayidka ah.
Tom Fletcher ayaa sheegay in macluushu ay ku baahday guud ahaanba Gaza, xaaladduna ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin.
Fletcher ayaa xaaladda Gaza ku qeexay inay gaartay meel aad u halis ah.