Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, isagoona dhalleeceeyay Hay’adaha Qaramada Midoobey ee indhaha caalamka ku soo jeediyay gabood-fallada ay halkaasi ka gaysanayaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa qiray in xaalad adag ay ka jirto Marinka Gaza, waxaase uu beeniyay in gaajo daran ay ka jirto dhulka ay go’doomiyeen.
Wasiirka ayaa waxa uu beeniyay in Israel ay si ula kac ah u gaajeysiineyso dadka rayidka ah, waxa uuna sheegay in Israel ay ka xun tahay, waxa uu ku sheegay ololaha qaloocan ee cadaadiska caalamiga ah.
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in diiradda la saarayo gaajeysiinta lagu eedeeyay inay ka wadaan Marinka Gaza ay qayb ka tahay sida uu yiri ololaha qaloocan ee cadaadiska caalamiga ah lagu saarayo Israel.
Wasiirka ayaa Qaramada Midoobey ku eedeeyay in ay indhaha dunida ku soo jeedisay Israel, iyadoo ku eedeynaysa sida uu sheegay in ay hortaagan tahay gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Gaza.
Waxa uu ka digay in cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah Israel uu awood siinayo Xamaas, in uu hurinayo naceyb ka dhan ah dadka Yahuudda iyo in uu khatar ku yahay amniga Israel.
“Cadaadiska caalamiga ah ayaa mar horeba Xamaas u horseeday inay adkeyso mowqifkeeda wada hadalada xabad joojinta iyo heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo intaa raaciyay “Cadaadiskan ayaa si toos ah u wiiqaya fursadaha lagu gaari karo xabad joojin iyo heshiiska la haysteyaasha.”
Iyadoo uu sii xoogeysanayo baaritaanada caalamiga ah ee lagu ogaanayo heerka dembiyada dagaalka ay Israel ka gaysatay Gaza ayuu Wasiirku oo ka soo muuqday Warbaahinta uu ka digay in cadaadiska dibadda aanu ahayn oo keliya marin habaabin, balse sidoo kale uu khatar ku yahay jiritaanka Dowladnimada Israel.
Waxa kaloo uu ka digay in iyadoo ay istaageen wada hadaladii xabad joojinta Gaza in ay xoogeysato qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta ee lagu raadinayo dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.
Gideon Sa’ar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa xusay in uu jiro ujeeddo labaad oo ka dambeeya cadaadiska diblomaasiyadeed ee sii kordhaya, oo uu ku sheegay in Israel khasab lagaga dhigayo in ay aqbasho yegleelidda Dowladnimada Falastiiniyiinta, taasoo la mid ah sida uu yiri is dilka juqraafiyeed ee xaaladaha hadda jira.
Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in Israel ay la tacaaleyso mowjado sii kordhaya oo lagaga soo horjeedo iyo hindiseyaal lagu taageerayo Falastiin.
Wasiir Sa’ar ayaa carabka ku adkeeyay in fekradaha u xaglinaya dhanka Falastiiniyiinta ay xoojinayan in naceybka loo qabo uu si xoog leh ugu baaho adduunka oo dhan.
“Waxaan aragnaa olole qaloocan oo cadaadis caalami ah oo ka dhan ah Israel. Ololahani wuxuu sii hurinaya mowjadaha naceybka ah ee aan haddaba aragno.” Ayuu yiri Wasiirku.
Israel ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo lagu saarayo in ay ogolaato in dadka reer Gaza ay helaan gargaar bani’aadantinimo oo ku filan iyo in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka lagu hoobtay ee Gaza.
Wasiir Sa’ar ayaa hadalkan jeediyay maanta, saacado yar uun ka dib, markii Saraakiisha Qaramada Midoobey ay sheegeen in Israel ay ogolaatay in gargaar yar uu galo Gaza, iyadoo dadku ay gaajo ugu dhimanayaan Gaza, xilli kolonyada gargaarka wada ay ku xaniban yihiin xuduudaha Marinka Gaza.
Guddiga Isku-dhafka Haqab-beelka Cuntada (IPC) ayaa ku dhawaaqay in xaaladdii ugu xumeyd oo gaajo ah ay ka jirto Marinka Gaza, taasoo uu guddigu sheegay in ay ka dhalatay xayiraadaha Israel ee gargaarka bani’aadantinimo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in aan la dafiri karin xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Gaza, isla-markaana ay dadka reer Gaza u adkeysanayaan masiibo bani’aadantinimo oo ka baxsan qiyaasta halbeega.
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa ku celisay in saddex meelood oo meel oo dadka Gaza ah aysan cunto cunin dhowrkii cishaba, mar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa sheegay in xermooyinka gargaarka ee hawada looga soo daadinayo dadka Gaza ay aad u yar yihiin, isla-markaana aysan ku filneyn in laga hortago macluul lagu hoobto oo ka dhacda Gaza.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in jawaabta caalamiga ah ee wax ka qabashada xaaladda Gaza ay noqon doonto mid aan shaqeyn, haddii aan la qaadin xayiraadaha gargaarka ee dhinaca dhulka.
Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegay in masiibada bani’aadantinimo ee Gaza keliya wax lagaga qaban karo in la helo waddooyin nabdoon oo gargaarka lagu gaarsiin karo shacabka aadka ugu baahan.
Ururada Bulshada Rayidka ee Israel ayaa ku biiray dhalleeceynta loo jeedinayo Tel Aviv, iyagoona falalka guracan ay ka waddo Gaza ku tilmaamay xasuuq.
Israel ayaa la filayaa in ugu dambayn ay qaadi doonto tallaabooyin ay ku fureyso waddooyin bani’aadantinimo oo dhulka ah, si dadka Gaza ay xaaladdoodu uga soo reyso, inkastoo la qiyaasayo in Israel aysan duqaymaha ka joojin doonin, illaama ay ka ogolaaneyso in la soo afjaro dagaalkan.