Falastiiniyiinta reer Gaza ee ku naf waayay weerarada naxariis darrada ah ee Israel ayaa la sheegay in tiradooda ay kor u dhaaftay 60 kun oo qof.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Talaadadan sheegtay in dagaalka xasuuqa ku leysan ee Israel ka waddo Marinka Gaza ay ku dhinteen 60,034 qof, halka 145,870 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dhibaneyaashu ay u badan yihiin haween iyo carruur. Qaramada Midoobey ayaa kol hore sheegtay in lagu kalsoonaan karo xogaha ay wasaaraddu ka soo saarto khasaaraha ay dadku kala kulmayaan weerarada aan loo meel dayin ee Israel.
Dhakhaatiirka Gaza ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay maanta oo ugu dambeysay ay Gaza ku dileen 81 qof, oo ay ku jiraan 19 qof oo la dilay, iyagoo gargaar raadsanaya.
Tirada dadkan la dilay qayb kama ahan tirooyinkii u dambeeyay ee ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, balse haddii ay wasaaraddu xaqiijiso waxay ku soo qaadan doontaa tirooyinka ay Arbacada daabici doonto.
Xasuuqan ay Israel ka gaysaneyso Gaza iyo dadka rayidka ah ee gaajada ugu dhimanaya gudaha Gaza ayaa noqday, waxa dunida loogu hadal haynta badan yahay.
Dadka Gaza ayaa dhexda uga jira dhibaato oo dhan, oo ay ugu horreyan gaajada, dilka aan dhamamadka, dhaawacyadooda oo laga hortaagan yahay sahayda dawada, barakacin joogta ah iyo burburinta baahsan ee lagu hayo guryahooda iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha.
Ciqaab wadareedka ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa ka dhigan dembiyo dagaal, marka loo fiiriyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Dunida ayaa cadaadis ku saareysa Israel in ay soo afjarto ololaheeda militari ee Gaza iyo in ay ogolaato in Gaza la geeyo gargaar ku filan shacabka gaajada la ildaran.