Home Dhacdooyin Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo sheegay inay aqoonsanayaan Dowladda Falastiin

Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo sheegay inay aqoonsanayaan Dowladda Falastiin

by Laacib

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa wacad ku maray in UK ay bisha September aqoonsan doonto dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin, illaa ay Israel ogolaato xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo inay soo afjarto dhibaatada bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Israel ay tahay in ay qaaddo tallaabooyin ay ka mid yihiin in xabad joojin laga sameeyo Gaza, in ay Qaramada Midoobey u ogolaato inay gargaar gayso Gaza iyo inay la timaado rabitaan ku aaddan nabadda mustaqbalka fog.

Raysal Wasaaraha ingiriinka oo gelinkii dambe ee Talaadadii Warbaahinta kula hadlay Magaalada London ayaa Israel hordhigay inay qaaddo tallaabooyin horseedaya in la soo afjaro xaaladda naxdinta ee Gaza, iyadoo Gaza laga sameynayo xabad joojin dhameystiran iyo in la gaaro heshiis lagu sii deynayo maxaabiista, isla-markaana ay labada dhinac isla qaataan hindisaha xalka laba dal oo deris ah.

“Tanina waxaa ka mid ah in loo ogolaado in Qaramada Midoobey ay dib u bilowdo sahayda gargaarka iyo in la caddeeyo inaysan jiri doonin in Israel ku darsaneyso Daanta Galbeed.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska.

“Waxaan xaqiijin karaa in Boqortooyada Midowday (UK) ay aqoonsiga Dowladda Falastiin kaga dhawaaqi doonto Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee bisha September, haddii aysan Dowladda Israel qaadin tallaabooyin la taaban karo.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in aasaaska Dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xalka labada dal uu yahay dhabaha keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay Dowladnimada Falastiin ay gacan ka gaysaneyso geeddi-socod nabadeed oo sax ah, xilligan saamaynta ugu badan ay jirto aan laga maarmi karin in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Wuxuu sheegay in hadafkoodu uu yahay Israel oo amni haysata, oo ay barbar-socoto dowlad madaxbannaan oo shacabka Falastiin ay leeyihiin.

Raysal Wasaare Starmer ayaa sheegay in ku dhawaaqistiisan ay ka dambeysay xaaladda aan loo dulqaadin karin ee Gaza iyo walaaca laga qabo suurtagalnimada in ay meesha ka baxeyso xalka labada dowladood ee Falastiin iyo Israel.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa ka hor inta aanu go’aankan ku dhawaaqin, waxa uu kulan isugu yeeray Xubnaha Golihiisa Wasiirada, ka dib kulankii uu Isniintii Scotland kula yeeshay Madaxweyne Donald Trump.

Starmer ayaa Isniintii sheegay in dadka reer Britain ay ka gadoodsan yihiin sawirrada argagaxa leh ee dadka ku gaajeysan Gaza, isagoo ka garab hadlayay Madaxweyne Trump oo booqasho ku joogay Scotland.

Starmer ayaa la kulmaya cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xisbigiisa Labour, si uu mowqif adag uga qaato Israel.

Starmer ayaa maalmahaanba si adag uga hadlayay xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee Gaza, ka dib markii Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron uu 24-kii bishan ku dhawaaqay in Paris ay bisha September si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto aqoonsigeeda Falastiin, isagoona sheegay in Faransiiska uu noqonayo wadankii ugu horreyay ee G7 ee sidaas sameeya.

Keir Starmer, Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in tani ay ahayd siyaasad shaqo oo soo jireen ah, oo ay qayb ka tahay qorshe nabadeed oo dowladdiisu ay in muddo ah ku howlaneyd.

Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaaqistani ay qayb ka tahay qorshe nabadeed oo ka kooban sideed qaybood, oo sida uu sheegay ay dowladdu in muddo ah ka shaqeynaysay.

Mar la weydiiyay sababta uu shuruudda ugu xirayo aqoonsiga Dowladnimada Falastiin iyo kalsoonida uu ku qabo in xabad joojin la gaaro ayaa waxa uu sheegay in ujeedada koowaad ee London ay tahay in wax laga bedelo xaaladda hadda ka jirta dhulka go’doonsan, si loo sii daayo maxaabiista iyo in gargaar mug leh la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

“Tani waxaa loogu talagalay in lagu sii kordhiyo sababtaas.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska, wuxuuna intaasi ku daray “Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in fekerka xal u helidda labada dal uu hoos u dhacayo, oo maantana la dareemayo fogaan ka badan, sidii uu ahaa sanado badan ka hor.”

In ka badan 200 oo Xildhibaan ayaa Raysal Wasaare Starmer ku booriyay in uu qaato go’aan geesinimo leh. 221 Xildhibaan oo ka kala socda sagaal xisbi siyaasadeed ayaa dhawaan saxiixay warqad ay u direen Raysal Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, David Lammy, iyagoo ugu baaqaya inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin.

131 ka mid ah Xildhibaanada saxiixay warqadda ayaa ka tirsan Xisbiga Labour ee Raysal Wasaare Starmer, oo ay ku jiraan siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dalkaasi.

Yurub oo ah mid ka mid ah xulafada ugu muhiimsan ee Israel ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo lagu diidan yahay dembiyada aan ciqaabta lahayn ee ay Israel ka gaysaneyso Bariga Dhexe, gaar ahaan dhulka Falastiiniyiinta.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa wajahaya cadaadiskii ugu weynaa ee gudaha, si xiriirka loogu jiro Israel, maadaama ay tahay dowlad aan ixtiraamin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo inaysan xitaa wax xushmad ah u hayn xulafadeeda dhow.

Raysal Wasaare Starmer ayaa ah hoggaamiyaha uu culeyska ugu weyn ka haysto shacabkiisa, oo ka doonaya in uu wax ka qabto xadgudubyada ay Israel kula kaceyso dadka reer Gaza iyo deegaameynta sharci darrada ah ee ay Israeliyiinta uga sameynayso Daanta Galbeed ee la haysto.

Israel ayaan u muuqan in ay tixgelin doonto baaqa Starmer, oo xudun u ah arrimaha ugu muhiimsan ee diidmadeeda ku aaddan in Israel laga garab dhiso dal ay deris yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc