Home Wararka Caalamka Netanyahu oo ka hadlay go’aanka uu Ingiriiska ku aqoonsanayo Dowladda Falastiin

Netanyahu oo ka hadlay go’aanka uu Ingiriiska ku aqoonsanayo Dowladda Falastiin

by Laacib

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa cambaareeyay hanjaabadda Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ee ku aaddan in UK ay bisha September aqoonsan doonto Dowladda Falastiin, haddii aysan Israel ogolaanin shuruudo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in la soo afjaro dagaalka Gaza, in Qaramada Midoobey awood loo siiyo inay gargaarka gayn karto Marinka Gaza iyo in Israel aysan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ku darsan dhulkeeda, ka dibna laga wada shaqeeyo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in tallaabaaasi ay abaalmarin u tahay Ururka Xamaas ee Falastiin, oo hormuud u ah iska caabinta Falastiiniyiinta.

Netanyahu ayaa waxa uu diiday xalka labada dowladood ee Israel iyo Falastiin, oo dunida u aragto waddada keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe.

Netanyahu oo ah Raysal Wasaaraha ugu waqtiga dheer ee taariikhda Israel ayaa ku celceliya in inta uu xafiiska joogo aanu ogolaan doonin dhismaha Dowladda Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa mowqifka Ingiriiska ee aqoonsiga Falastiin ku tilmaamay mid caqabad ku ah wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiista lagu sii deynayo.

“Is bedelka mowqifka Dowladda Ingiriiska ee xilligan, ka dib tallaabada Faransiiska iyo cadaadiska siyaasadeed ee gudaha, waxay ka dhigan tahay in la abaalmariyay Xamaas, waxayna waxyeelo u gaysaneysaa dadaalada lagu gaarayo xabad joojinta Gaza iyo qaab dhismeedka sii deynta la haysteyaasha.” Ayuu yiri Gideon Sa’ar.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa ku goodiyay in Israel aysan joojin doonin deegaameynta ay Israeliyiinta uga sameynayso Daanta Galbeed.

Smotrich oo ah mid ka mid ah xubnaha ugu xagjirsan ee Golaha Wasiirada Israel ayaa sanadihii u dambeeyay u ololeynayay in Daanta Galbeed loo sharciyeeyo Israel.

Caalamka ayaa sharci darro u arka deegaameynta iyo dhul boobka ay Israel tobanaanka sano ka wadday dhulka Falastiiniyiinta, taas oo Israel ay diidan tahay.

Masuuliyiinta Israel ayaa ku andacoonaya in xaq diiniyin ah ay u leeyihiin Daanta Galbeed, aasaaska Dowladnimada Falastiina ay khatar ku tahay amniga Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc