Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka falceliyay warka ka soo yeeray Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ee ku saabsan in dalkiisu uu bisha September aqoonsanayo Dowladda Falastiin.
Raysal Wasaare Starmer ayaa go’aankooda ku xiray shuruudo dhowr ah oo ay u bandhigeen Israel, oo laga xusi karo in la dhameeyo dagaalka Gaza, in Qaramada Midoobey ay dib u bilowdo howlihii gargaarka bani’aadantinimo Gaza ee billo ka hor laga joojiyay, iyadoo aan wax is hortaag ah lagu sameyneyn iyo in Israel aysan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ku darsan dhulkeeda, ka dibna ay qayb ka noqoto xaqiijinta xalka laba dal oo deris ah, isla-markaana nabad ku wada nool.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Raysal Wasaare Starmer uusan kala hadlin aqoonsiga dalkiisa ee Falastiin, ka dib markii ay Isniintii ku kulmeen Scotland.
Trump oo Isniintii ka garab hadlayay Starmer oo shir jaraa’id ay ku qabteen Scotland ayuu sheegay in uusan waxba ka qabin in Starmer uu mowqif adag ka qaato arrinta Qaranimada Falastiin. Markii gelinkii dambe ee Talaadadii uu dib ugu laabtay Mareykanka ayuu Trump sheegay in labadooda aysan weligood ka hadlin in London ay suurtagal tahay in ay aqoonsato dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin.
“Weligeen kama aan wada hadlin.” Ayuu Trump u sheegay Saxafiyiinta, isagoo ku jira diyaaradda Air Force One, markii uu dib ugu soo laabtay Mareykanka.
Trump ayaa sheegay in aqoonsiga Dowladda Falastiin ay abaalmarin u tahay Xamaas, taasoo ah jawaab la mid ah midda ay Israel ka bixisay go’aanka Dowladda Ingiriiska.
“Waxaad abaalmarineysaa Xamaas, haddii aad sidaas sameyso. Umalayn maayo in la abaalmariyo.” Ayuu yiri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dowladdiisu ay dirtay lacag loogu talagalay gargaarka bani’aadantinimo ee Falastiiniyiinta reer Gaza, isagoona hoosta ka xariiqay in uu hubin doono in si sax ah loogu adeegay shacabka.
“Waxaan rabaa inaan hubiyo in lacagtaas loo isticmaalay si caqli-gal ah oo caddaalad ah, cuntadana loo qaybiyay si sax ah.” Ayuu yiri Trump.
Dunida ayaa si weyn uga hortimid Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF), taasoo ay Israel aasaastay bishii May, kuna wareejisay howlaha gargaar keenista iyo qaybinta ee Gaza, iyadoo Mareykankuna uu yahay dalka qura ee taageeray, isla-markaana maalgeliya.
Hay’addan ayaa lagu eedeeyay in ay Gaza keento gargaar lagu sheegay dhibic bad ku dhacday oo kale, isla-markaana xarumaha ay gargaarka ku bixiso lagu laayo dadka rayidka ah ee raashiinka u soo doonta.
Israel ayaa shaqada ka joojisay hay’adihii bani’aadantinimada ee sanadaha badan ka shaqeynayay Marinka Gaza, taas oo soo dedejisay in gaajadu ay ku baahdo Gaza oo dhan iyo in dadku ay gaajo & nafaqo darro ugu geeriyoodaan gudaha Gaza.
Dunida ayaa ka carootay muuqaalada argagaxa leh ee ka imanaya Gaza ee dadka ku gaajeysan dhulka sida adag loo go’doomiyay iyo sida ula kaca ah ee ay Israel u gaajeysiineyso shacabka aan hubeysneyn, iyadoo kolonyada gargaarka ay ku xaniban yihiin bannaanada hore ee Gaza.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu markii ugu horreysay aqoonsan doono Dowladda Falastiin, marka la gaaro bisha September, haddii aysan Israel wax ka bedelin xaaladda naxdinta leh ee Gaza.
Starmer ayaa wacad ku maray in go’aankan ay dhaqangelin doonaan, haddii aysan Israel dooneyn nabad waarta, oo saldhig u ah wax ka qabashada xaaladda Gaza iyo joojinta weerarada Israeliyiinta ee la dejiyay Daanta Galbeed.