Israel iyo Mareykanka ayaa ka horyimid qorshaha socda ee ay Dowladda Canada dooneyso in bisha September ay dal madaxbannaan ugu aqoonsato Falastiin.
Raysal Wasaaraha Canada, Mark Carney ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dalkiisu uu aqoonsiga Dowladnimada Falastiin kaga dhawaaqi doono Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhacaya Magaalada New York.
Raysal Wasaaraha Canada ayaa cambaareeyay siyaasadda ay Israel ku gaajeysiinayso Falastiiniyiinta reer Gaza, isagoona Tel Aviv ku eedeeyay in ay ka masuul tahay in masiibo ka dhacdo Marinka Gaza.
Dowladda uu madaxda ka yahay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa cambaareysay mowqifka is bedelay ee Canada, oo ay u aragto mid ka dhan ah Israel, isla-markaana u xaglinaya Falastiiniyiinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa Canada ku gacan seyray go’aanka ay markii koowaad ku taageereyso dhismaha iyo aasaaska Dowladnimada Falastiin.
Wasiirka ayaa go’aankan ku tilmaamay mid lagu abaalmarinayo Xamaas, oo Ciidamada Israel ay kula dagaalamayaan gudaha Gaza.
Netanyahu ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu doonayo in nabad lala gaaro Falastiin, balse waxa uu ka digay dowlad kasta oo mustaqbalka madaxbannaan oo Falastiiniyiinta ay leeyihiin ay horseedi doonto burburka Dowladda Israel, sidaasi daraadeedna uu xakameynteeda ku jiro amniga Israel. Nuxurka hadalka Netanyahu ayaa ah in aysan meelmar noqon doonin in la yegleelo Dowlad Falastiin ah.
Madaxweyne Donald Trump oo ka xumaaday warka Raysal Wasaare Carney ayaa sheegay in taageerada Canada ee aqoonsiga Dowladda Falastiin ay adkeynayso in Mareykanka uu heshiis cusub oo ganacsi uu la galo dalkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa sheegaya in go’aanka Canada uu adkeynayo suurtagalnimada heshiis ganacsi oo dhex mara Mareykanka iyo Canada.
“Canada waxay ku dhawaaqday inay taageereyso Dowladnimada Falastiin, taasina waxay adkeynaysaa in Canada lala gaaro heshiis ganacsi.” Ayuu Trump ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social.
Mid la mid ah go’aanka Canada ayaa waxaa horey ugu dhawaaqay Dowladaha Malta, Faransiiska iyo Ingiriiska, si loo soo nooleeyo fekerka xalka laba dal oo deris ah oo Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta ay leeyihiin.
Dalalka reer galbeedka ayaa cadaadis saaraya Israel, si wax looga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza iyo in Israel ay joojiso deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka sameynayso Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Ku dhawaad 150 dal oo ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa horey u aqoonsaday Dowladda Falastiin.