Home Wararka Caalamka Johann Wadephul oo Israel u sheegay in ay halis ugu jirto inay noqoto dowlad go’doon ah

Johann Wadephul oo Israel u sheegay in ay halis ugu jirto inay noqoto dowlad go’doon ah

by Laacib

Johann Wadephul, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay halis ugu jirto in ay ka go’doonto dunida inteeda kale, sababtu tahay dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza iyo rabshadaha Israeliyiinta la deegaameeyay ay ka wadaan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Wasiirka ayaa xaaladda Gaza ku tilmaamay masiibo bani’aadantinimo oo ka baxsan sida uu yiri wax kasta oo male-awaal ah.

Wasiirka ayaa sheegay in masiibada bani’aadantinimo ee Gaza ay tahay mid aan gebi ahaanba loo dulqaadan karin, isagoona carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la hagaajiyo xaaladda quusta ah ee ay dadka rayidka ah ku nool yihiin.

Wasiirka oo fiidnimadii xalay Magaalada Jerusalem kula kulmay dhiggiisa Israel Gideon Sa’ar ayaa xusay in shirkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobey uu muujiyay in Israel ay dhinac ka tahay dunida inteeda kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doodaha ka jira Yurub ee ku saabsan in la soo rogo cunaqabateyn ka dhan ah Israel iyo rabitaanka sii kordhaya ee dowladuhu ay ku aqoonsanayaan Dowlad Falastiin ah.

“Israel waxay halis ugu jirtaa inay si isa soo taraya ay uga go’doonto caalamka.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka.

Wasiirka ayaa tibaaxay in Jarmalku uu doonayo in uu ka hortago, si aysan Israel u noqon dowlad go’doon ah.

“Waxaan u arkaa inay tahay waajib Jarmalka ka saaran inuu sameeyo wax kasta oo suurtagal ah, si looga hortago arrintaasi.” Ayuu yiri Wasiirka.

Isagoo Saxafiyiinta kula hadlayay Magaalada Jerusalem ayuu sheegay in Israel uu waajib ka saaran yahay in ay xaqiijiso in si dhakhsa oo badbaado leh ay raashiin iyo dawo ku filan ugu ogolaato dadka Gaza, si loo baajiyo buu yiri dhimashada tirada badan ee macluusha.

“Horumar aasaasi ah oo loo sameeyo dadka Marinka Gaza ayaa loo baahan yahay.” Ayuu yiri Wasiirka oo Israel ugu yeeray inay u ogolaato Qaramada Midoobey iyo hay’adaha gargaarka caalamiga ah in ay si waxtar leh ugu adeegaan reer Gaza.

Sidoo kale waxa uu Israel uga digay inay dhul boob ka sameyso Marinka Gaza, isla-markaana aysan dadka rayidka ah ka eryin guryahooda iyo meelaha kale ay ay degan yihiin.

“Waxaan sidoo kale u baahanahay caddayn ka timaada Israel oo ah inaysan wadin siyaasad cayrin ah ama siyaasad ku darsasho firfircoon.” Ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu intaasi ku daray “Jarmalka waxa uu si adag u garab taagan yahay Israel, isagoo ka shaqeynaya, sidii loo sii deyn lahaa haysteyaasha. Si aan ugu sii dhawaano yoolkan, waxaan hadda u baahanahay wax ka badan xabad joojin, waxaana la joogaa waqtigii dagaalkan la soo afjari lahaa.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul ayaa dhanka kale Jerusalem kula kulmay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Isaac Herzog.

Wasiirka ayaa Israel ku joogo booqasho laba maalmood ah, taasoo sidoo kale qayb ka ah in uu booqdo Daanta Galbeed ee la haysto.

Socdaalka Wadephul ee Israel ayaa daba socdo go’aan toddobaadkan ka soo baxay Golaha Wasiirada Jarmalka, oo soo saaray in Jarmalka uu gacan ka gaysto wax ka qabashada xaaladda sii xumaaneysa ee Gaza.

Ka hor inta aanu Wadephul u safrin Israel ayuu soo saaray war uu ku sheegayo in Berlin ay ku qanacsan tahay xalka laba dowladood oo lagu gaaray is faham, taas oo sahleysa buu yiri in shacabka labada dhinacba ay ku noolaadaan nabad, ammaan iyo sharaf.

Wadephul ayaa sheegay in Jarmalka uusan ku biiri doonin mowjadaha dalalka reer galbeedka ee u dhaqaaqaya inay aqoonsadaan Dowladnimada Falastiin, haddii aan Jarmalka lagu khasbin in mowqifkiisa uu dib uga laabto.

Wadephul ayaa sheegay in ay tahay in hadda la bilaabo geeddi-socodka lagu xaqiijinayo in la helo xalka labada dowladood, isagoona ka digay haddii taasi la heli wayo in Jarmalku uu ku khasbanaan doono inuu dib u eego qaddiyadda qaranimada Falastiin, wuxuuna uu Israel ku booriyay in ay qayb ka noqoto dadaalada caalamiga ah ee nabadda loogu soo dabaalayo gobolka, isla-markaana aysan is hortaagin aasaaska Dowladnimada Falastiin.

Dagaalka Gaza ayaa si xun u waxyeeleeyay muuqaalkii Israel ee dunida, iyadoo aan markii horeba lahayn taariikh wanaagsan oo dhanka bani’aadantinimada ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc