Home Wararka Caalamka Steve Witkoff oo booqanaya Gaza, si Israel looga samatabixiyo xaaladda haysata

Steve Witkoff oo booqanaya Gaza, si Israel looga samatabixiyo xaaladda haysata

by Laacib

Steve Witkoff, Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa lagu wadaa in maanta uu booqdo Marinka Gaza, si uu ugu kuurgalo xaaladda bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt ayaa xaqiijisay in Steve Witkoff uu Jimcahan booqanayo dhulka Falastiiniyiinta ee la go’doomiyay, ka dib booqashadii uu Khamiistii ku tagey Israel.

Karoline Leavitt ayaa sheegtay in ninkani uu booqan doono xarumaha ay gargaarka ku qaybiso Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF), oo ah hay’ad ay Israel aasaastay bishii May, Mareykankuna uu taageeray.

Tan iyo markii hay’addan lagu wareejiyay howlihii gargaar keenista iyo qaybinta ee Gaza, xaaladda dadka rayidka ah ayaa aad uga sii dareysay, iyadoona xarumaha ay GHF gacanta ku hayso ay noqdeen goob lagu dilo shacabka u soo doonta kaalmada bani’aadantinimo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in toddobaadkan uu filayo in Gaza laga samayn doono xarumo lagu quudiyo dad badan oo reer Gaza ah.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa u muuqdo mid dadaal badani ku bixinaya kordhinta taageerada bani’aadantinimo ee Gaza, iyadoo laga hortagayo digniinaha ku aaddan in dad badani ay halkaasi macluul ugu dhiman karaan.

Steve Witkoff ayaa doonaya in dunida uu u muujiyo in ay gacan ka gaysanayaan wax ka qabashada masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ee Israel lagu eedeeyay in ay ka abuurtay Marinka Gaza, iyada oo taageero kaga haysata Mareykanka.

Witkoff ayaa ka shaqeynaya qorshooyin ay Falastiiniyiinta reer Gaza ku heli karaan raashiin badan.

Witkoff ayaa Khamiistii Magaalada Jerusalem kula kulmay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, isagoo riixaya in gargaarka loo ogolaado dadka u baahan iyo in la dardargeliyo wada hadalada xabad joojinta Gaza.

Dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee Gaza ayaa ka dhashay xanibaadaha Israel ee gargaarka naf badbaadinta iyo inaysan hay’adaha caalamiga ah ka sii shaqayn karin arrimaha samafalka ee Gaza.

Israel ayaa diiday digniinaha ay Qaramada Midoobey ka soo saartay in xaaladda dadka Gaza ay aad u sii xumaaneyso, isla-markaana ay dadku gaajo ugu dhimanayaan halkaasi.

Dhammaan caddeymaha ayaa muujinaya in Ciidamada Israel aysan ogoleyn in kolonyada gargaarka ee u raran Qaramada Midoobey ay gurmad keenaan Gaza, taasoo dhalisay carro caalami ah.

Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkan qiray in masiibo ba’an oo bani’aadantinimo ay ka jirto Gaza, isagoo meel iska dhigay diidmada indha la’aanta Israel ee ku aaddan in ay gaajoonayaan Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.

Wadamada caalamka, marka laga soo tago Mareykanka ayaa cambaareeyay burburinta baahsan ay Israel ka gaysatay Gaza iyo caqabadaha ku wajahan gargaarka dhulka. Qaramada Midoobey ayaa xaqiijisay in la diiwaangeliyay xaalado badan oo dad gaajo iyo nafaqo darro ugu geeriyooday Gaza, isla-markaana ay dadku gaajada u dhimanayaan, iyadoo kolonyada gargaarka ay ku xaniban yihiin isgoysyada laga soo galo dhulka ay Israel colaadda ku ballaarisay.

Hay’adaha bani’aadantinimada ayaa wax laga walaaco ku tilmaamay in dadku ay gaajo ugu dhintaan Gaza, xilli baabuurta gargaarka lagu hortaagan yahay meel aan sidaasi uga fogeyn.

Mareykanka ayaa isku dayaya in Israel uu ka badbaadiyo mowjadaha siyaasadeed ee lagu diidan yahay xadgudubyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu weyn ee Israel ay maanta leedahay ayuu qorshihiisu yahay in uu hoos u dhigo cadaadiska weyn ee ka soo food saaray dunida, gaar ahaan dalalka reer galbeedka.

Witkoff ayaa noqonaya diblomaasigii ugu horreyay ee ajnabi ah oo booqda Marinka Gaza, tan iyo intii ay Israel sida daran u go’doomisay Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc