Home Wararka Caalamka Maamulka Trump oo khasab ay ku noqotay in xaaladda Gaza hoos loo eego

Maamulka Trump oo khasab ay ku noqotay in xaaladda Gaza hoos loo eego

by Laacib

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxaa ka socdo is bedelkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah, kaas oo Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu doonayo in wax lagaga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee dadka reer Gaza.

Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff oo uu wehliyo Safiirka Mareykanka ee Israel, Mike Huckabee ayaa Jimcihii booqasho naadir ah ku tagey Marinka Gaza, iyagoo qiimeynaya dhibaatada bani’aadantinimo ee dadka Gaza, ka dib carro caalami ah oo ka dhalatay gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka rayidka ah.

Witkoff ayaa ujeedada booqashadiisa ku tilmaamay u kuurgelidda xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza iyo in la bilaabo qorshe cusub, oo gargaarka iyo sahayda caafimaadka lagu gaarsiinayo dadka Gaza.

Booqashadan ayaa astaan u ah is bedelka ka socdo gudaha Aqalka Cad, sababtoo ah Madaxweyne Donald Trump oo ceebsaday dhalleeceynta sii kordheysa ee kaga imaaneysa hoggaamiyeyaasha dunida iyo cadaadiska ka soo fuulay gudaha ee lagaga dalbanayo in uu Israel ku khasbo in la hagaajiyo dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka taagan Gaza.

Dunida ayaa si weyn uga hortimid habka gargaar qaybinta ee Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF), taas oo Israel ay aasaastay, iyadoo taageero kaga haysata Mareykanka.

Hay’adda GHF ayaa lagu eedeeyay in ay uga sii dartay xaaladda Gaza, iyada oo fulineysa qorsheyaasha Militariga Israel ee lagu gaajeysiinayo dadka rayidka ah iyo kordhinta dilkooda. Hay’addan oo lagu wareejiyay shaqadii hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza ayaa lagu eedeeyay in ay gargaar yar keento gudaha Gaza, isla-markaana ay ku guuldareysatay in si nabdoon ay dadku uga qaataan xarumaha ay maamusho.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey (OHCHR) ayaa Jimcihii sheegay in 1,373 Falastiiniyiin ah la dilay, iyagoo gargaar u doontay xarumaha ay gacanta ku hayso GHF. Xafiiska ayaa sheegay in Arbacadii iyo Khamiistii oo keliya la dilay 105 Falastiiniyiin ah, 680 kalena lagu dhaawacay Marinka Gaza, keliya iyaga oo doonayay in la siiyo raashiinka ay aadka ugu baahan yihiin.

Ciidamada Israel ayaa dhowr kun oo kale ku dhaawacay goobaha loo asteeyay in GHF ay gargaarka ku siiso shacabka tabaaleysan. Laba bilood oo hay’addan ay ka shaqeynaysay gudaha Gaza, nafaqo darrada ayaa aad ugu baahday Gaza oo dhan, markii ay dadku awoodi waayeen inay helaan cunto ay cunnaan.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la bilaabayo hannaan cusub, kaas oo uu sheegay in si waxtar leh loogu quudin doono dadka reer Gaza.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Warbaahinta maxaliga u sheegay in Madaxweyne Trump aanu bedelin fekerkiisa taageerada Israel iyo in Xamaas lagu eedeeyo sababta keentay in dagaalku daba dheeraado, haddana Trump aanu dooneyn in xaaladda Gaza ay sidaan ku sii socoto, iyadoo dunida oo dhan ay ka carreysan tahay dembiyada aan ciqaabta lahayn ee Israel ka gaysaneyso.

Trump ayaa garowsan in dhaliil kasta oo loo jeedinayo Israel in dowladdiisuna ay qayb ka tahay, maadaama ay tahay tan ugu weyn ee taageerada militari siisa Israel, dembi kastana ku garab taagan.

Trump ayaa ka baxsanaya in Xisbigiisa Jamhuuriga uu lumiyo doorashada soo socota ee Maamulada Gobolada Mareykanka, maadaama shacabka Mareykanka ay qayb ka yihiin dadweynaha adduunka ee ka qaylo dhaaminaya muuqaalada naxdinta leh ee carruurta Gaza ee gaajada la oyneysa.

Ra’yi uruurinta ay sameynayso Warbaahinta Mareykanka ee taageerada militari ay Washington siiso Israel ayaa muujineysa in Xisbiga Jamhuuriga uu lumin doono doorashada xigta, haddii aanu Aqalka Cad waxba ka qaban xaaladda ka sii dareysa ee Gaza.

Xog uruurinta ayaa muujineysa in taageerada shacabka ee ololaha Jamhuuriga ee MAGA (Make America Great Again) uu la kulmay hoos u dhac boqolkiiba laba iyo soddon ah (32%), taasoo ka dhalatay gargaarka militari ee Ia siiyo Israel iyo in aanu Aqalka Cad gacmaha ka qabaneyn Israel, si loo joojiyo dhiigga dadka Gaza ee daadanaya.

Maamulka Trump ayaa la sheegaya in arrintan ay ku baraarugeen, ka dib markii Mareykanka iyo Israel ay 24-kii bishii July ka baxeen wada hadaladii xabad joojinta Gaza ee ka socday Magaalada Doha.

Ergayga Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa Khamiistii ku laabtay Israel, isagoo la kulmay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, si uu u riixo in sare loo qaado gargaarka Gaza iyo in dib loo bilaabo wada hadalada xabad joojinta iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc