Home Wararka Maanta Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan muhiim ah la yeeshay Xeer Ilaaliyeyaasha (SAWIRRO)

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan muhiim ah la yeeshay Xeer Ilaaliyeyaasha (SAWIRRO)

by Laacib

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Qaybta Dacwad Oogista ee Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay dardargelinta dhameystirka habraacyada shaqada ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Go’aanka Dacwad Oogista ayaa ah mid u madaxbannaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyadoo lagu saleynayo kalsoonida lagu qabi karo Qaybta Dacwad Oogista ee Xeer Ilaalinta, waana waxa kulankan sida dhow looga hadlay.

Qaybtan ayaa muhiim u ah baarista dembiyada iyo uruurinta xogaha hortebinta u leh go’aamada ay maxkamaduhu ka gaari karaan cidda dacwadda laga yahay (eedeysaneyaasha).

Maxkamadaha dalka ayaan mararka qaarkood ku qancin habraaca baarista ee Waaxyaha Dacwad Oogista, waxayna Xafiiska Xeer Ilaalinta ay dib ugu celiyaan doodahooda fadhiyada dhageysiga ee maxkamadaha, iyadoo garsoorku uu tusaaleynayo in kulanka dambe ay maxkamadda la horyimaadaan caddeymo ku filan eedeysanaha ama eedeysaneyaasha ay doonayaan in la ciqaabo, iyadoo lagu qaadayo Qodobada Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si joogta ah diidmo uga la kulma garsooreyaasha, oo dib ugu soo celiya geba-gabada baaritaanada ay sameeyaan, taas oo aan ku filneyn habraaca maxkamadeynta ee dembiyada. Xeer Ilaaliyeyaasha oo u hoggaansama awaamiirta garsooreyaasha ayaa soo sameeya baaritaano kale, ka hor inta aysan codsan in la muddeeyo fadhiga xiga.

Si kastaba ha-ahaatee kulankii maanta ayaa talooyin lagaga dhageystay Xeer Ilaaliyeyaasha, ka hor inta aan la ansixin habraacyo cusub.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay habraacyada kala ah;-

1. Habraaca Caddeynta Danaha iska horimanaya

2. Habraaca Go’aanka Eedda

3. Habraaca Dhowrista Sirta & Xogta Galka.

Bishii January ayay ahayd, markii Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku baaqay in la cusbooneysiiyo shuruucda dalka, isla-maarkaana la waafajiyo diinta.

Raysal Wasaare Barre ayaa xilligaasi soo jeediyay in shuruucda dalka laga saaro wax kasta oo aan la jaanqaadi karin diinta iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc