Home Dhacdooyin Xamaas oo soo bandhigtay maxbuus Israeli oo sheegaya in nolosha lagu aasayo

Xamaas oo soo bandhigtay maxbuus Israeli oo sheegaya in nolosha lagu aasayo

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa soo bandhigay muuqaal uu ka soo muuqday maxbuus Israeli ah oo nool, balse halis ugu jira in uu gaajo ugu dhinto Marinka Gaza.

Maxbuuskan oo lagu magacaabo Evyatar David ayaa ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii ay Xamaas hoggaamineysay ee iska caabinta Falastiiniyiinta ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Xamaas ayaa Jimcihii baahisay muuqaal uu ninakn ka soo muuqday, isagoo ku cataabaya in isaga iyo maxaabiista kale ay saamayn ku yeelatay diidmada Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.

Xamaas ayaa Sabtidan soo bandhigtay muuqaal labaad oo laga arki karay Evyatar David oo ka niyad jabsan in dowladdoodu aysan dooneyn in la gaaro heshiis suurtagelinaya in maxaabiista la isweydaarsado.

Ninkan ayaa quus ka muujiyay, sida Israel aanay wax mudnaan ah u siineyn heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.

Muuqaalkii maanta ayaa waxaa ka soo muuqday Evyatar David oo wata badiil ama majarafad, isla-markaana god dhulka hoostiisa ku yaala ka dhex qodanaya qabrigii lagu aasi lahaa, taas oo ka dhigan inuusan rajo badan ka qabin inuu sii noolaan karo amaba ay yar tahay fursadda uu ku noolaan karo.

Farriinta uu muuqaalkan xambaarsan yahay ayaa ah in Israel ay nolosha ku aaseyso dad dhan oo nool, iyadoo Evyatar David uu sheegay in sida uu daciifka u yahay ay maxaabiista kalena u ildaran yihiin.

Maxaabiista lagu hayo gudaha Gaza ayaa muddo dheer ka cabanayay in ay halis ugu jiraan inay ku dhintaan duqaymaha aan loo meel dayeynin ee ay Ciidanka Cirka Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza, isla-markaana aysan wax baqdin ah ka qabin in Xamaas ay dili karto.

Maxaabiistan ayaa ciidamadoodu ku eedeeyay in ay khatar ku yihiin noloshooda, xilli Xamaas ay ku dadaaleyso, sidii ay u sii noolaan lahaayeen.

Maxaabiista ayaa hadda ka cabanaya in khatartii duqaymaha iyo diidmada dowladdooda ee ku saabsan in heshiis lala galo Xamaas ay uga sii dartay xanibaadaha Israel ee raashiinkii la gaynayay Marinka Gaza.

Xamaas ayaa muuqaalkan u dambeeyay soo raacisay qoraal u qornaa “Waxa aanu cunno ayay cunnaan, waxa aynu cabno ayay cabaan.”

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa warineysa in labada fiidiyow ay ka argagixiyeen qoyska ninkan iyo qoysaska maxaabiista kale ay kooxaha Falastiiniyiinta ku haystaan Gaza.

Ilai David oo la dhashay Evyatar David ayaa goor sii horreysay sheegay in walaalkii uu ku sugan yahay meesha ugu macluulsan ee dunida, isla-markaana ay ka welwelsan yihiin xaaladdiisa.

Xamaas ayaa la sheegay in muuqaaladan ay kaga jawaabeyso diidmada Israel, ee ah in aysan wax gaajo ahi ka jirin Marinka Gaza.

Xamaas ayaa waxay muuqaalkii shalay ku soo beegtay booqashadii uu Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff uu Jimcihii ku tagey Gaza, isagoo u kuurgelaya xaaladda bani’aadantinimo ee dadka reer Gaza.

Khamiistii, Ururka Islamic Jihaad ee Falastiin ayaa soo bandhigay muuqaalka maxbuus Israeli ah oo lagu magacaabo Rom Braslavski, kaas oo ku dhawaad muddo laba sano ah lagu haysto Gaza.

Braslavski ayaa u shaqeynayay shirkad dhinaca amniga ah oo qaabilsaneyd amniga munaasabaddii bandhig faneedka ee Nova, markii gacanta lagu soo dhigayay.

Ofer Braslavski oo ah aabaha dhalay maxbuuskan ayaa sheegay in uu aqoonsan waayay muuqaalka wiilkiisa, nolosha adag ee uu ku nool yahay awgeed.

“Wiilkayga Rom rooti ayuu u gaajeysan yahay, biyana wuu u ooman yahay. Jir ahaan wuu jaban yahay, maskax ahaana wuu u burbursan yahay. Wiilkaygu wuu dhimanayaa.” Ayuu yiri Ofer Braslavski.

Ofer Braslavski ayaa dowladda uu madaxda ka yahay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in ay dayacday wiilkiisa iyo muwaadiniinta kaleba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc