Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay maqaaxi ku taala Magaalada Muqdisho

Qarax ka dhacay maqaaxi ku taala Magaalada Muqdisho

by Laacib

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay maqaaxi ay dadku fariistaan oo ku taala xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkiinley.

Qaraxan ayaa lala beegsaday maqaaxi ay dadka deegaanka ku sheegeen in lagu qayilo oo ciidamaduna ay mararka qaarkood fariistaan.

Qaraxa ayaa u muuqday in lagu dhex aasay maqaaxida, iyadoona gaadiidka gurmadka ay goobta ka qaadeen meydka hal nin iyo dhaawaca toban kale.

Dhaawacyada ayaa waxaa ku jira dad ay xaaladdoodu aad u liidato oo si xun ugu dhaawacmay qaraxaasi, waxaana qaybtood la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Ciidamada Booliska oo ku baxay goobtaasi ayaa xiray isu socodka gaadiidka ee Isgoyska Xoosh, si ay baaritaan uga sameeyaan goobta uu falku ka dhacay oo ku dhow isgoyskaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay goobta isaga taggeen, iyagoo aan Warbaahinta wax warbixin ah ka siinin dhacdadaasi.

Dadka deegaanka ayaa isugu soo xoomay maqaaxida, ka dib markii ay ciidamadu ka dhameysteen, wixii baaritaankooda khuseeyay.

Maqaaxidan uu weerarku ka dhacay ayaa ah mid inta badan ay dadku maalintii shaaha ka cabaan, habeenkiina ay u badan yihiin dadka qayila.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, laakiin qaraxyada noocaan ayaa waxaa looga bartay in ay gaystaan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc