Home Wararka Caalamka Netanyahu “Waxaan si sax ah u fahamsanahay, waxa ay Xamaas rabto”

Netanyahu “Waxaan si sax ah u fahamsanahay, waxa ay Xamaas rabto”

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Ururka Xamaas ee Falastiin ku eedeeyay in aanay dooneyn xabad joojin iyo heshiiska maxaabiista lagu sii deynayo.

Hoggaamiyaha Israel ayuu culeys hor leh ka soo fuulay gudaha, ka dib muuqaaladii ay Xamaas baahisay Jimcihii iyo Sabtidii ee uu ka soo muuqday maxbuuska reer Israel ee lagu magacaabo Evyatar David, kaas oo muuqaalka laga arki karay isaga oo daciif ah, kana cabanaya cunto la’aan.

Muuqaalkii Sabtidii ayaa la sheegay in uu si gaar ah argagax ugu abuuray shacabka Israel, ka dib markii uu ka soo muuqday Evyatar David oo qodanaya qabrigii lagu aasi lahaa iyo quus uu ka muujinayo in uu sii noolaan doono.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa Xamaas ku tilmaamay bahal, isagoo tixraacaya muuqaalada ay baahisay oo dareen argagax leh ka dhaliyay Israel. Tani ayaana keentay in dadku ay dib u soo celiyaan farriimihii ay dowladdiisa kaga dalbanayeen in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, laguna sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee weli ku harsan gacanta iska caabinta Falastiin.

Raysal Wasaaraha ayaa muuqaal uu xalay soo duubay ku sheegay in muuqaalada labada maxbuus ee rafaadsan ee ka soo muuqday muuqaaladii Xamaas iyo Islamic Jihaad ay shaaciyeen Khamiistii iyo Jimcihii ay muujinayaan in Xamaas aysan daneyneyn heshiiska xabad joojinta, balse ma sheegin sababta ka dambeysay in wada hadaladii uga socday Magaalada Doha ay fashil ku soo dhammaadaan daba-yaaqadii bishii July.

“Waxaan si sax ah u fahamsanahay waxa ay Xamaas rabto. Xamaas ma rabto heshiis oo waxay dooneysaa in ay nagu niyad jebiso muuqaaladan naxdinta leh, iyadoo loo marayo dacaayadda argagaxa beenta ah ee ay ku faafineyso adduunka oo dhan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Laakiin ma niyad jabi doono. Waxaa iga go’an inaan soo daayo wiilasheenna la afduubay, annagoo hubin doono ciribtirka Xamaas iyo in Gaza aysan dib dambe khatar ugu noqon doonin Dowladda Israel.”

Waxa uu Xamaas ku eedeeyay in dagaal-yahanadeeda ay leeyihiin gacmo dhumuc weyn oo jir leh, laakiin ay maxaabiista u gaajeysiinayaan sida uu yiri sidii Naasiyiintii u gaajeysiiyeen dadka Yahuudda, dagaalkii labaad ee adduunka.

Xamaas ayaa waxay dhammaadkii isbuuca sheegtay in xanibaadaha Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ay Gaza ka dhalisay xaalad bani’aadantinimo oo aad u adag, dadkuna ay gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza, balse kooxda Netanyahu ayaa gebi ahaanba diidan in wax gaajo ahi ka jirto Marinka Gaza, taasoo uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog.

Xoghaye Guterres ayaa adkeeyay digniinaha hay’adaha caalamiga ah ka soo saarayaan dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee Gaza iyo in dadku ay gaajo daran la ildaran yihiin. Guterres ayaana codsaday in la qaado xayiraadaha lagu hayo kaalmada bani’aadantinimo.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa ku andacooday in Xamaas ay si ulac ah u gaajeysiineyso la haysteyaasha, iyadoo Dowladda Israel ay ogolaaneyso buu yiri gelitaanka argagaarka bani’aadantinimo ee Gaza.

“Arxan darrada Xamaas ma laha xuduud.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu oo intaasi ku daray in ay si xun ula dhaqmeyso la haysteyaashooda.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa qiray in Israel ay maalmihii u dambeysay ogolaatay in gargaarka hawada looga soo daadiyo dadka Gaza, laakiin aysan taasi ku filneyn baahida ka jirta dhulka go’doonsan, waxayna ku baaqeen in la fasaxo gargaarka lagu hortaagan yahay xuduudaha Masar iyo Jordan, tiiyoo ay Israel diidan tahay.

Netanyahu muuqaalkiisii u dambeeyay kuma sheegin in ay soo celinayaan qulqulkii gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc