Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad aad u kacsan ay maanta ka jirto Suuqa Siinaay ee Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ee Gobolka Banaadir.
Xiisaddan ayaa ka dhalatay Dowladda Federaalka oo dooneysa in halkaasi laga saaro ganacsatadii muddada dheer ku ganacsaneysay, iyadoo markaasi suuqa lagu wareejinayo ganacsato kale oo Villa Somalia ay ka iibisay suuqaasi oo ku fadhiyada dhul ay dowladdu leedahay.
Wararka ayaa sheegaya in xaafadda uu suuqan ku yaalo ay ku sugan yihiin laba ciidan oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, balse ay isugu jiraan kuwo doonaya in la burburiyo Suuqii Siinaay iyo garab kale oo ka biyo diidan.
Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamada diidan in la burburiyo suuqaasi ay ka amar qaataan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa in muddo ahba ka digayay kicin bulsho iyo in la beegsiga dad gaar ah.
Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa horey digniin ugu jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta, oo uu uga digay in aysan hantidooda gelin, waxa uu ku sheegay qorshe aan shaqeyneyn.
Xildhibaan Yaasiin Farey oo Axaddii Warbaahinta kula hadlayay suuqaasi ayaa shirkadaha isgaarsiinta iyo bankiyada ku eedeeyay in ay qayb ka yihiin barakacinta dadka reer Muqdisho.
“Shirkadaha isgaarsiinta iyo bankiyada, sida aan annagu dadka u ilaalin jirnay ayaan u ilaalin jirnay, laakiin haddii ay dadkii naga barakacinayaan oo dadkii ay dhibaateynayaan, waan ku khasbanahay qaabka ay u shaqeynayaan inaan maanta ka dib u shaqayno.” Ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey oo bankiyada gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha isgaarsiinta ugu yeeray inay ka waan-toobaan barakacinta uu ku eedeeyay.
Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaan diidaneyn in dhulkaasi loo adeegsado dan guud, waxayse ka soo horjeedaan in lagu wareejiyo ganacsato kale, iyadoo welibana laga rarayo canshuur bixiyeyaasha hadda ku ganacsada suuqan.
Suuqan ayaa dhinac kaga yaala xaafadda Siinaay oo magaceeda uu wato, waxaadna arkaysaa in suuqa uu fiday xilligii burburka, marka aad eegto in ganacsatadu ay xarumo ganacsi ka sameysteen dhismayaasha ka baxsan.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaalad aad u adag ay haatan ka jirto Suuqa Siinaay, isla-markaana ay ka baqdin qabaan in lagu dul dagaalamo.
Dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqan ayaa la sheegaya in uu istaagay, marka aad eegto in inta badan goobaha ganacsiga ee ku yaala ay xiran yihiin. Arrintan ayaana ka dambeysay dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee ka soo kordhay suuqaasi.
Dowladda Federaalka ayaa waddooyinka soo gala suuqan gaysay ciidamo isugu jira Booliska Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare, oo u tababaran la dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga rabshadaha & dembiyada abaabulan.
Dowladda ayaa qorsheynaysay in Isniintan hawlgal burburin ah laga sameeyo Suuqa Siinaay.