Qaramada Midoobey ayaa ka digtay cawaaqib xumo, haddii ay dhab noqoto in Israel ay ballaarineyso hawlgalkeeda militari ee Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ayaa lagu wadaa in saacadaha dambe ee Khamiista ay go’aan ka gaaraan qorshe guud oo lagu qaadanayo Gaza oo dhan, walow ay arrintan kala qaybsanaan ka abuurtay gudaha Israel.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Miroslav Jenča ayaa qorshahan ku tilmaamay mid laga naxo iyo in tallaabadan ay uga sii dari doonto masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.
“Wararka ku saabsan go’aanka suurtagalka ah ee Raysal Wasaare Netanyahu ee ku saabsan in hawlgalka lagu ballaarin doono Gaza oo dhan, haddii ay run tahay, waa mid naxdin leh.” Ayuu yiri Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Waxa uu sheegay in go’aankani uu cawaaqib xumo ku yahay Falastiiniyiinta reer Gaza iyo inuu halis dheeraad ah gelinayo maxaabiista Israeliyiinta ee ku haray gacanta iska caabinta Falastiiniyiinta.
“Tani waxay noqoneysaa cawaaqib xumo soo wajahda mallaayiin Falastiiniyiin ah, waxayna halis dheeraad ah galin kartaa nolosha la haysteyaasha ku haray Gaza.” Ayuu yiri Miroslav Jenča.
Miroslav Jenča ayaa xusay in uu aad u xadidan yahay gargaarka bani’aadantinimo ee ay Israel toddobaadkii hore ogolaatay in la geeyo Gaza.
“Xaaladda Gaza waa mid argagax leh, waana wax aan la aqbali karin. Falastiiniyiinta ayaa la kulma xaalad xun oo bani’aadantinimo maalin kasta.” Ayuu yiri Miroslav Jenča.
“Ma jiro wax xal militari ah oo lagu xalin karo iska horimaadka Gaza ama colaadda fog ee Israel iyo Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Miroslav Jenča oo ku nuux-nuuxsaday in hawlgalka la qorsheynayo uu xitaa noqon karo dhammaadka maxaabiista nool ee Israel.
Miroslav Jenča ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay xaaladda Gaza, ka dib markii Israel ay codsatay kulankaasi, si goluhu uu Xamaas uga dalbado inay sii deyso maxaabiista Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023.
Israel ayaa Axaddii codsatay kulankan, ka gadaal markii Xamaas iyo Islamic Jihaad ay Khamiistii iyo Jimcihii soo bandhigeen muuqaalo ay ka soo muuqdeen laba maxbuus oo Israeliyiin ah oo ka cabanaya gaajo daran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar oo u safray Magaalada New York, si uu uga qaybgalo kulankaasi ayaa soo bandhigay sawirrada maxbuuska lagu magacaabo Evyatar David, kaas oo muuqaal labaad ay Sabtidii baahisay Xamaas ka soo muuqday, isagoo god dhulka hoostiisa ku yaala oo lagu hayo ka dhex qodanaya qabrigii lagu aasi lahaa, isagoona Netanyahu ku eedeeyay in dowladdiisu ay dayacday isaga iyo maxaabiista kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa si adag u beeniyay in gaajo ka jirto Gaza iyo in Israel ay gaajeysiineyso bulshada ku nool Marinka Gaza.
“Israel waxay fududeysay in gargaar aad u badan uu galo Gaza, tan iyo bilowgii dagaalka, si aan horey loo arag taariikhda dagaalada.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi raaciyay “Tirada gargaarka ayaa sii kordhayay maalin kasta, haddii aad raacdo taas.”
Wasiirka ayaa Xamaas ku eedeeyay in ay leexsato raashiinka iyo agabka kale ee la gaynayo Gaza, iyadoo ka sameynaya sida uu yiri dhaqaale. Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric ayaase eedeyntan ku tilmaamay mid aan wax caddeyn ahi loo hayn.
Sidoo kale inta badan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay iyadu ka masuul tahay dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka taagan Gaza, ka dib dhowr bilood oo ay diidaneyd in hay’adaha bani’aadantinimada ay raashiinka, sahayda dawada iyo shidaalka geeyaan Marinka Gaza.
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ayaa xaqiijiyay in ay sii kordheyso tirada dadka gaajada ugu dhimanaya gudaha Gaza, iyadoo kolonyada gargaarka lagu xanibayo isgoysyada laga soo galo dhulka go’doonsan.