Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo digniin u jeediyay Israel

Midowga Yurub oo digniin u jeediyay Israel

by Laacib

Midowga Yurub ayaa digniin adag ka soo saaray go’aanka Israel ee lagu qabsanayo Magaalada Gaza, laguna ballaarinayo hawlgalka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza.

Caalamka ayaa qorshahan ku tilmaamay mid uga sii daraya dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka jira Gaza oo dhan iyo inuu sababi doono mowjado kale oo barakac dadweyne ah, xilligan oo dadku ay gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza, sababtoo ah gargaarka oo la hortaagan yahay in dadka oo dhan uu gaaro.

Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub, Antonio Costa ayaa sheegay in go’aankan uu cawaaqib ku yeelan doono xiriirka Midowga Yurub iyo Israel.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in go’aanku uu jebinayo heshiiska labada dhinac, haddii aysan Israel ka laaban.

“Sidoo kale wuxuu wiiqayaa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo qiyamka caalamiga ah.” Ayuu yiri Antonio Costa oo Israel ku booriyay inay dib u eegto go’aankeedan.

Heshiisyada Midowga Yurub iyo Israel ayaa waxaa saldhig u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo iyo mabaadi’da dimoqraadiyadda, labadana waxaa cad in Israel ay ku xadgudbeyso, marka aad eegto in ay caadeysatay dilka dadka rayidka ah iyo inay hortaagan tahay dhismaha dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiin.

Wakiilka Midowga Yurub ee Sinnaanta, U Diyaargarowga & Maareynta Dhibaatooyinka, Hadja Lahbib ayaa walaac xoog leh ka muujisay siyaasadda Israel ee ku aaddan qabsashada Magaalada Gaza, iyadoona xoojisay digniinta caalamiga ah ee ku saabsan in tallaabadan ay uga sii dari doonto xaaladda bani’aadantinimo ee horeyba u cakirneyd ee ka jirtay dhulka go’oonsan.

“Go’aanka Golaha Wasiirada Israel ee lagu kordhinayo hawlgalkooda militari ee Gaza wuxuu sii xumayn doonnaa xaaladda bani’aadantinimo ee horeyba u xumeyd, wuxuuna halis gelinaya nolosha la haysteyaasha haray.” Ayay tiri Hadja Lahbib.

Haweeneydan ayaa Israel ugu yeertay in ay aqbasho xabad joojinta lama huraanka ay tahay in laga sameeyo Marinka Gaza iyo in gargaar bani’aadantinimo oo mug leh la gaarsiiyo dadka rayidka ay xaaladdooda isu bedeshay macluusha, iyadoo si buuxda loogu hoggaansamayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Hadja Lahbib ayaa Sabtidan sheegtay in aanu jirin xal ka bedelan in la xaqiijiyo xalka laba dal oo deris ah, taas oo ay muujisay in lagu soo afjari karo colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israel.

Go’aanka subaxnimadii Jimcaha ka soo baxay Golaha Wasiirada Israel ee lagu la wareegayo Magaalada Gaza ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah, oo gebi ahaanba lagaga soo horjeestay tallaabadaasi oo wiiqeysa rajada in nabad lagu soo dabaalo Bariga Dhexe.

Dalalka reer galbeedka ee xulafada dhow la ah Israel ayaa qaarkood kaga digay inay cunaqabateyno ku soo rogi doonaan, haddii aanay dib u eegin qorshaha ay dooneyso in ay kula wareegto Magaalada Gaza iyo amniga Marinka Gaza.

Jarmalka oo kale ayaa waxa uu soo saaray amar lagu joojinayo hubkii loo dhoofinayay Israel, si aan loogu adeegsan duulaanka cusub ee Marinka Gaza.

Israel ayaa la qiyaasaya in aysan tixgelin doonin baaqa xulafadeeda Yurub, Canada, Australia iyo New Zealand, illaa ay garowsato in go’aanka qabsashada ee Magaalada Gaza aan la fulin karin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc