Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Axaddan ay kulan ka yeeshaan go’aanka Israel ay kula wareegeyso Magaalada Gaza, laguna ballaarinayo ololaha militari ee Marinka Gaza, si Gaza oo dhan ay u noqoto mid amni ahaan hoos timaada Israel.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in fadhigan ay codsadeen Ergada Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Giriiga iyo Slovenia, si loo cambaareeyo go’aanka Israel, looguna khasbo in ay dib uga laabato.
Panama ayaa haysata Madaxtinimada Golaha Ammaanka ee bishan August, iyadoona 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka uu bishiiba dal shir guddoomiyo fadhiyada golahaasi.
Qorshaha ayaa ahaa in kulankan degdegga ah u qabsoomo galabnimadii Sabtida, balse uu u baaqday Panama iyo Mareykanka oo aan saxiixin, sidaasi daraadeedna uu dib ugu dhacay Axaddan.
Safiirka Falastiin u jooga Qaramada Midoobey, Danjire Riyad Mansuur ayaa sheegay in caalamka ay waajib tahay in uu ka hortago duulaanka cusub ee Israel, isagoona sheegay in aan loo baahneyn dil iyo xanuuno kale oo loo gaysto dadka Gaza, oo sida uu sheegay arkay dhibaato adduun in ku filan.
Israel ayaa sii hurisay carrada caalamiga ah ee ka dhalatay dembiyadeeda aan ciqaabta lahayn ay ka gaysaneyso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto, ka dib markii Golaheeda Wasiirada ay Jimcihii ansixiyeen qorshe guud oo lagu qaadanayo Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.
Israel ayaa fileysa in go’aan iyada ka dhan ah aanu ka soo bixi doonin kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo isku haleynaysa Mareykanka.
Mareykanka ayaa marar badan oo hore is hortaag ku sameeyay qaraaradii ay Qaramada Midoobey codsaneysay in si degdeg ah loogu soo afjaro dagaalka Gaza.
Mareykanka oo ka mid ah 5-ta dal ee joogtada ah ee leh codka Veto ayaa awooddiisa diidmada qaxayan ku hor istaagay in wax laga qabto masiibada bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.
Adeegsiga Veto ee dalka qura ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa aqlabiyadda. Dalalka kale ee joogtada ah ayaa kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka. 10-ka dal ee aan joogtada ahayn, balse xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa labadii sannaba mar la soo doortaa, iyadoona kuraastan ay yihiin kuwo ay ku tartamaan dalalka dunida, marka laga soo tago 5-ta dal ee joogtada ah.
Mareykanka ayaa si weyn loogu cambaareeyay taageeradiisa indha la’aanta ah ee Israel, xilli 14-ka dal ee Golaha Ammaanka ay u codeynayaan in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza.
Mareykanka ayaa ah dalka taageerada ugu badan ee militari iyo midda maaliyadeedba siiya Israel, waana dalka sida joogtada ah ugu difaaca siyaasadda, marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.