Home Wararka Caalamka Trump iyo Putin oo maanta ku kulmaya Magaalada Anchorage

Trump iyo Putin oo maanta ku kulmaya Magaalada Anchorage

by Laacib

Madaxweyneyaasha Mareykanka, Donald Trump iyo Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa in Jimcahan ay ku kulmaan Magaalada Anchorage ee Gobolka Alaska, iyagoo ka wada hadli doona colaadda Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ee martida loo yahay ayaa doonaya in dhiggiisa Ruushka uu si dhow uga la hadlo, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka saddexda sano ka badan ee ka socdo dalkaasi Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa daneynaya in wada hadaladan heerka sare uu xal ugu helo dagaalka Ruushka iyo Ukraine ee horey dunida uga abuuray xasaradda dhaqaale.

Shir madaxeedka Alaska ayaa waxaa wiiqi kara rabitaanka Moscow ee inay qaadato dhulka Ukraine ee dagaalka lagu qabsaday amaba ugu yaraan qayb ka mid ah dhulka dalkaasi.

Putin ayaa marar badan shuruud ku xiray xabad joojinta Ukraine, isagoona aan qarin damaciisa ah in ay qarameynayaan afar ka mid ah gobolada dalkaasi.

Baarlamaanka Ruushka ayaa bishii October ee sanadkii 2022 cod aqlabiyad leh ku meelmariyay in Gobolada Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ay ka mid noqdaan dhulweynaha Ruushka.

Trump ayaa dhankiisa ku celceliyay in nabadda Ukraine ay ku xiran tahay Kyiv oo ka tanaasusho qayb ka ah dhulkeeda, waxaana arrintan si weyn uga biyo diiday hoggaamiyeyaasha reer Yurub oo wacad ku maray inaysan aqbali doonin in la kala qaybiyo dhulka Ukraine.

Trump oo Arbacadii aalaadda foggaan aragga kulan kula yeeshay Madaxda Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO iyo masuuliyiin kale oo reer Yurub ah ayaa u sheegay in Putin uu kala hadli doono oo keliya, sidii xabad joojin looga samayn lahaa Ukraine.

Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Ukraine ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay wada hadalada ay ka maqan yihiin ee looga hadlayo masiirka dalkiisa. Hoggaamiyaha Ukraine ayaa ka digay in go’aan kasta oo la gaaro la’aantood uu noqon doono mid macno la’aan ah.

Trump ayaase sheegay in wada hadalka laba geesoodka ah uu horseedi karo in la xaqiijiyo wada hadalo saddex geesood ah oo isaga lagu soo martiqaado.

Trump ayaa ballanqaaday in go’aan kasta oo laga gaarayo arrinta Ukraine aanu dibadda ka joogi doonin Madaxweyne Zelensky, isla-markaana uu Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron uu qayb ka noqon doono damaanadda amniga ee heshiiska.

Trump ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Putin uu diyaar u yahay heshiis, isla-markaana uu filayo in kulanka uu noqdo mid wanaagsan.

Trump ayaa ahmiyad badan siinaya nabadda Ukraine, isagoona ololihiisii dib u doorashada ee daba-yaaqadii sanadkii hore ku ololeynayay in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duulay dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii Moscow ay dowladda dalkaasi ku eedeysay in ay xiriir adag la sameysatay reer galbeedka iyo in NATO ay ku soo fidday xuduudaha Ruushka, isla-markaana ay tani baalmarsan tahay wixii ay iyagu iyo NATO ku heshiiyeen, oo ahayd inaysan xuduudaha Ruushka ka soo ag-dhawaan doonin.

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Trump iyo Putin ay yeeshaan, tan iyo markii Trump uu xafiiska dib ugu soo laabtay 20-kii bishii January ee sanadkan, waana kulankoodii koowaad ee muddo lix sano ah ay yeeshaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc