Home Dhacdooyin Maxaa ka soo kordhay kulankii Trump iyo Putin? + SAWIRRO

Maxaa ka soo kordhay kulankii Trump iyo Putin? + SAWIRRO

by Laacib

Madaxweyneyaasha Mareykanka, Donald Trump iyo Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan taariikhi ah ku yeeshay Magaalada Anchorage ee Gobolka Alaska, iyagoo ka wada hadlaya, sidii xabad joojin looga samayn lahaa dalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Jimcihii dhiggiisa Ruushka ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Ted Stevens Anchorage, ka hor inta aysan kulankoodan ku yeelan Saldhigga Militariga ee Elmendorf-Richardson.

Kulanka taariikhiga ah ee Alaska ayaa la soo geba-gabeeyay, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin dagaalka Ruushka iyo Ukraine, balse uu jiro horumar ay madaxdu ka sameeyeen wada hadalkooda.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa socday ku dhawaad saddex saacadood, waxaana horey looga reebay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, waana xilli Zelensky uu ka digay in go’aan kasta oo la gaaro la’aantood uu noqon doono mid macno la’aan ah.

Labada hoggaamiye ayaa waxay sheegeen in ay horumar ka sameeyeen soo afjaridda dagaalka, iyadoona Madaxweynaha Mareykanka uu kulanka ku tilmaamay mid aad faa’iido u leh.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay jiraan qodobo is faham laga gaaray, haddana ay jiraan qodobo ay ku dhegan tahay Moscow, si gaar ah hal qodob oo fure u ah in la dhameeyo dagaalka Ukraine.

“Ma jiro wax heshiis ah, illaa heshiis la gaaro.” Ayuu Madaxweyne Trump ka sheegay shir jaraa’id oo geba-gabo u ahaa wada hadalkooda, kaas oo ay qayb ka ahaayeen masuuliyiin ka mid ah labada dal.

Trump ayaa sheegaya in uu u yeeri doono Saraakiisha NATO iyo Hoggaamiyaha Ukraine, si uu uga la hadlo nuxurka wada hadalkan.

Putin oo hadlayay ka hor Trump ayaa sheegay in uu jiro isu soo dhawaansho, isla-markaana uu labada dalba macno u leeyahay kulanka Alaska.

“Waxaa macno sameynaysa inaan halkan ku kulanay, sababtoo ah dalalkeena inkastoo ay bad kala qaybiso, haddana waa deris aad isugu dhow.” Ayuu yiri Putin.

Putin ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa ay ka go’an tahay in la joojiyo dagaalka, laakiin loo baahan yahay in meesha laga saaro sababaha aasaasiga ah ee keenaya isku dhacyada, si heshiiska uu u noqdo mid waara.

Putin ayaa sidoo kale waxa uu Ukraine iyo xulafadeeda Yurub uga digay inay carqaladeeyaan dadaalada nabadda iyo isku day kasta oo daandaansi ah amaba lagu wiiqayo horumarka curdunka ah.

Trump ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, Wasiirka Maaliyadda, Scott Bessent, Wasiirka Difaaca, Pete Hegseth iyo Ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Putin ayaa waxaa isna ku wehlinayay masuuliyiin laga xusi karo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergey Lavrov, Kaaliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Yuri Ushakov, Wasiirka Gaashaandhiga, Andrey Belousov iyo Wasiirka Maaliyadda, Anton Siluanov.

Kulankan oo ahaa mid si weyn ay dunida oo dhan isha ugu haysay ayaa abuuray rajo ah in nabad lagu soo dabaali karo dagaalka sanadkiisii afaraad ka socdo Ukraine.

Trump ayaa mar sii horreysay kulankan ku tilmaamay mid noqon kara jaantii lagu gaari lahaa jidka wada hadal saddex geesood ah oo Zelensky uu qayb ka yahay.

Trump ayay muhiim u tahay in xal loo helo colaadda Ukraine, taasoo ah mid ka mid ah waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu ku ololeynayay ololihiisii dib u doorashada ee xilka madaxtinimada Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc