Home Wararka Maanta Shabaab fara-badan oo lagu laayay Gobolka Shabellaha Hoose

Shabaab fara-badan oo lagu laayay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ka warbixisay hawlgal laga fuliyay aagga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda ayaa saqdii dhexe ee xalay war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalmiga ah lagu bartilmaameedsaday dhufeysyada iyo gabaadka maleeshiyadaasi.

“Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal muhiim ah. Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa, si loo xaqiijiyo guusha hawlgalka.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in xogta sirdoonka ay muujineyso in Shabaabku ay u diyaargaroobeen, sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM ay ka wadaan deegaanada gobolkaasi.

Warka ayaa intaasi ku daray “Hawlgalkan ayaa dhabar jab culus ku noqday kooxda, ka dib markii toddobaadyadii la soo dhaafay si is daba joog ah loogu jebiyay Sabiid, Caanoole iyo Bariire.”

Ciidamada oo 8-dii bishan la wareegay deegaanka Bariire ayaa maalmo ka dib u dhaqaaqay dhinaca Degmada Awdheegle, oo Shabaabku ay dagaal culus kula wareegeen 15-kii bishii March.

Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in intooda badan ay 12-kii bishan isaga baxeen Awdheegle, marka laga soo tago maleeshiyaad kooxo kooxo u abaabulan oo ka jooga waddada xiriirisa Awdheegle iyo Bariire, halkaas oo godad ay ka qoteen.

Sahanka hore ee ciidamada ku sii siqaya Awdheegle ayay dhowr jeer isku dhaceen kooxahaasi, waana tan keentay duqaynta culus ee haatan loo gaystay.

Saraakiisha Militariga ayaa laga soo xigtay in Kumaandooska Danab ay habeen hore bilaabeen duqaynta, isla-markaana ay wadeen illaa subaxnimadii shalay, iyagoo ku beegsanaya deegaanada ku dhow dhow Awdheegle ee ay Shabaabku ku sugan yihiin.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqaynta lagu burburiyay qaar ka mid ah godadka iyo dhufeysyada ay Shabaabku doonayaan in ay ku hakiyaan gulufka ballaaran ee ku wajahan degmadaasi, balse maysan sheegin wax hawlgal dhinaca dhulka ah oo Ciidanka Danab ay gudaha ugu galeen Awdheegle.

Magaalada ayaa laga maqlay qaraxyo, muddada ay duqayntu socotay, mana jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta in qaraxyadaasi ay qayb ka ahaayeen hawlgal dhulka ah oo laga fuliyay gudaha magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan arkin amaba maqlin ciidan lugta ah oo soo galay magaalada, isla-markaana kula dagaalamay maleeshiyada Xisbada Al Shabaab ee sida booliska oo kale u tababaran, kuwaas oo ay sheegeen inay sugayaan amniga magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in Shabaabku ay dhaawacyadooda u qaadeen dhinaca deegaanka Mubaarak, isla-markaana ay shacabku isla dhex marayaan in Shabaabku ay meydad badan ku aaseen duleedyada magaalada.

Duqayntan oo lagu sheegay tii ugu weyneyd ee muddooyinkan Al Shabaab loogu gaysto Gobolka Shabellaha Hoose ayaa calaamad u ah in militariga ay ka go’an tahay in ciidamadu ay ugu yaraan dib ugu laabtaan dhulkii laga qabsaday billihii u dambeeyay.

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo Isniintii booqday jiidda hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ciidamada faray in ay difaaca ka baxaan, isla-markaana ay weeraraan goobaha uu cadowgu ku sugan yahay.

Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka jira abaabul ciidamada loogu jiheynayo dhulka ka maqan gacanta qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc