Home Wararka Maanta Ciidamada oo lagu wargeliyay in hawlgal laga bilaabayo Gobolka Baay

Ciidamada oo lagu wargeliyay in hawlgal laga bilaabayo Gobolka Baay

by Laacib

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Yariisow Aadan ayaa maanta ciidamada ku sugan duleedka Magaalada Baydhabo u sheegay in la bilaabayo hawlgal cusub oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa kormeeray Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee fariisimaha ku leh duleedka Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha uu ciidamada ku wargeliyay in dalka uu aaday dagaal dib u xoreyn ah, isla-markaana ay iyaguna qayb ka noqon doonaan hawlgalka lagu burburinayo kooxaha argagixisada.

Inkasta oo Taliska Qaybta 60aad uu diiday in Warbaahinta lala wadaago muuqaalka wixii uu ciidamada kula hadlay, haddana waxaa Saxaafadda lala wadaagay sawirrada kormeerka.

Saraakiil codsatay in aan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa inoo sheegay in Guutada 8aad ee ka hawlgasha Gobolka Baay ay ku biiri doonto hawlgalka ka socdo deegaanada kale ee Koonfur Galbeed, si la mid ah Guutooyinka 6aad iyo 9aad ee hawlgalka ka wada Gobolada Shabellaha Hoose iyo Bakool, balse maysan sheegin waqtiga uu hawlgalka gobolkaasi bilaaban doono.

Guutooyinkan ayaa hoostaga oo ka tirsan Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo fadhigiisu uu yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gobolka Shabellaha Hoose oo ka mid ah saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxay ciidamadu ka wadaan hawlgal ballaaran, oo la doonayo in Al Shabaab lagaga saaro Degmada Awdheegle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc