Home Wararka Maanta Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay (SAWIRRO)

Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo magaalada ay ku sugan yihiin masuuliyiin uu ugu sarreyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay galab hawlgal amni xaqiijin ah ka bilaabay deegaanada qaar ee hoostaga Dhuusamareeb, si ay u adkeeyaan amniga magaaladaasi, muddada uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Cutubyo ka tirsan Xoogaga Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa gudaha u galay deegaano ay ka mid yihiin Ceel Cali Mire iyo Miir-dugul, oo ka mid ah deegaanada ku xeeran Dhuusamareeb. Ciidamada ayaa la sheegay inaysan la kulmin wax amni darro ah.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ciidamo cusub ku biiriyay kuwii horey ugu sugnaa kontoroolada laga soo galo magaalada.

Ciidamada ayaa isha ku haya gaadiidka imanaya magaalada, oo baaritaano adag ay marsiinayaan, iyadoona dadka qaar aan la ogoleyn damaanad la’aan in ay magaalada iska soo galaan.

Dhanka kale Ciidanka Booliska Galmudug ayaa habeenkii labaad hawlgal ay ku xaqiijinayaan nabadgelyada waxay ka sameeyeen shanta xaafadood ee Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa la arkayay, iyagoo dhex lugeynaya xaafadaha Waaberi, Dayax, Horseed, Hodan iyo Waxarcadde, dadkana weydiisanaya in ay amniga kala shaqeeyaan.

Gaashaanle Nuur Cilmi Maxamed, Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb oo wax ka hoggaaminayay hawlgalkii xalay iyo midkii habeen hore ayay ciidamadu ku beegsanayeen shakhsiyaadka lagu tuhmi karo falalka liddiga ku ah amniga iyo gaadiidka loo adeegsan karo amni darrada.

Ciidamada ayaa su’aalo weydiinayay dadka wata gaadiidka gaarka loo leeyahay, iyagoo hubinaya waxa ay yihiin.

Waxa hawlgalkan labadii habeen ee u dambeysay ka cusub ayaa ah in saraakiishu ay gudaha u gelayeen goobaha ganacsiga, si ay u hubiyaan in ganacsatadu ay kaamirooyinka amniga ku xireen goobahooda ganacsi. Booliska Galmudug ayaa horey u soo saaray amar ganacsatada loogu sheegayay in ay kaamirooyinka CCTV-ga ku xirtaan xarumahooda.

Taliyaha Saldhigga Booliska Balanballe, Dhamme Liibaan Cabdi Cismaan iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Xeraale, Gaashaanle Axmed Cabdikariin Cirro ayaa qayb ka ah dadaalada lagu adkeynayo amniga magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin oo ku sugan magaalada ayaa gadaal ka taagan hawlgalada ay ciidamadu ka wadaan Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc