Home Dhacdooyin Madaxweynaha DF oo la kulmay Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad (SAWIRRO)

Madaxweynaha DF oo la kulmay Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii saddexaad ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa booqday Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa kormeer ku tagey xarunta taliska uu fadhigiisu yahay Dhuusamareeb.

Masuuliyiinta ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21aad, Korneyl Maxamed Dhagaweyne iyo saraakiisha kale ee militariga ee Galmudug ka hawlgala.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaasi ka dib kulan la qaatay saraakiisha, oo ay ka wada hadleen dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Militariga ee ka hawlgalka Galmudug ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka la wadaagay warbixin ku aaddan deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga sugan yihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo qorsheyaasha hortebinta leh ka dhageystay Taliska Qaybta iyo Saraakiisha Hoggaamisa Ciidamada, isaga oo kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Taliska Qaybta 21aad u sheegay in dalka uu gelayo marxalad dagaal oo looga ciribtirayo kooxaha argagixisada, iyaguna ay tahay in dhankooda ay culeys ka saaraan goobaha ay kooxahaasi ka joogaan Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo riixaya, sidii dib loogu bilaabi lahaa la dagaalankii Al Shabaab ee muddooyinkan uu hakadka ku jiray ayaa sidoo kale dadka reer Galmudug ka doonaya in ay doorkooda ka qaataan dagaalkan, si la mid ah wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka oo Gobolada Dhexe laga sameeyay sanadihii 2022 iyo 2023.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale u ololeynaya in ciidamadu iyo shacabka ay iska kaashadaan dagaalkan, haddii marka ay wada socdaan uu khasaaruhu aad uga yar yahay dagaalkii ay ciidamadu muddada ku keliga ahaayeen.

Deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa sanadkii 2022 laga aasaasay maleeshiyaad deegaanka ah, balse loogu magac-daray (Ciidanka Difaaca Shacabka), kuwaas oo magacooda labaad ay dadku u garanayaan Macawiisley.

Macawiisleydu waa maleeshiyaad qabaa’il oo loo abaabulay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagu la jiro Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Ma cadda muddada uu Madaxweyne Xasan Sheekh joogi doono Galmudug, wuxuuse socdaalkiisan imanaya toddobaadyo ka dib, markii Shabaabku ay qabsadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taas oo muhiim u ah isu socodka maleeshiyadaasi ee deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc