Home Dhacdooyin Duulaanka Israel ee Magaalada Gaza oo u muuqdo in uu bilowday

Duulaanka Israel ee Magaalada Gaza oo u muuqdo in uu bilowday

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa waxay si aan kala go’ lahayn ay u garaacayaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, iyadoona duqaymahan ay horudhac u yihiin duulaankooda dhinaca dhulka ee magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Dadka deegaanka ayaa wada barakac ballaaran oo ay uga baxayaan magaalada, sababtu tahay Israel oo ay sheegeen inay si weyn u xoojisay weeraradeeda xagga cirka ee ay ku hayso magaaladaasi.

Shacabka ayaa xoogoodu ka barakacaya xaafadaha ugu waaweyn ee magaalada, sida Zaytun, Sabra iyo Tuffah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa qorsheynaya in gebi ahaanba lala wareego magaaladaasi, isagoo fulinaya go’aankii 8-dii bishan ka soo baxay Golihiisa Wasiirada ee lagu qaadanayo magaaladaasi, isla-markaana amniga Marinka Gaza lagu hoos gaynayo Israel.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku nool magaaladan ayaa lagu khasbayaa in ay ka barakacaan guryahooda, oo la sheegay in dambaska lagu wado.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in tallaabada ay Israel ku ballarineyso duqaymaheeda iyo hawlgalkeeda dhinaca dhulka ee magaaladan uu sii xumeynayo xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka digay cawaaqibka bani’aadantinimo ee ka dhalanaya duulaanka qorsheysan ee Israel.

Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa war uu caawa soo saaray ku sheegay in xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Gaza ay ku quudiyaan tobanaan kun oo dad rayid ah, isla-markaana ay dadkaasi ku dhow yihiin in la barakaciyo.

Waxa kaloo uu sheegay in adeegyadooda Magaalada Gaza ay wajahayaan khatar aad u daran, isagoona walaac ka muujiyay kororka weerarada Militariga Israel.

“Adeegyada UNRWA ee Magaalada Gaza ayaa ku jira khatar aad u daran, iyadoo hawlgalada Militariga Israel ay sii kordhayaan.” Ayuu Philippe Lazzarini ku sheegay warka uu soo saaray.

Philippe Lazzarini ayaa ku celiyay in xaaladda magaalada ay ka sii dareyso, xaaladduna ay faraha ka bixi karto, haddii Israel aysan joojin weeraradeeda aan loo meel dayeynin.

Lazzarini ayaa codsaday xabad joojin degdeg ah, si looga jawaabo, waxna looga qabto dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka taagan dhulka go’doonsan.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay si saf mareen ah u bartilmaameedsanayaan dhismayaasha ku yaala magaalada, si ay Israel ugu xaqiijiso qorshaheeda la wareegitaanka ee magaaladaasi.

Militariga Israel ayaa kordhiyay dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada koonfurta Israel ee ku aaddan qabsashada Magaalada Gaza.

Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Effie Defrin ayaa mar sii horreysay sheegay in uu bilowday duulaanka dhinaca dhulka, isla-markaana ay haatan ciidamadooda gudaha ugu jiraan xaafadda Zaytun ee magaaladaasi.

Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ciidamada Israel ay si gaar ah u saameeyeen xaafadaha Sabra iyo Zaytun.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Khamiistan sheegay in uu xoogeysanayo dhaqdhaqaaqa Ciidamada Israel ee Magaalada Gaza iyo nawaaxigeeda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo cusbooneysiiyay baaqiisii uu ku dalbanayay xabad joojinta degdegga ah, si looga baaqsado in dad kaloo fara-badan ay dhintaan.

Xoghaye Guterres ayaa Israel ka codsaday in ay is xakameyso, isla-markaana ay ka baaqsato burburinta ballaarin ee ay ciidamadeeda ka wadaan Magaalada Gaza.

Israel ayaa dadka rayidka ah isugu dartay dil joogta ah, barakac aan dhammaad lahayn, gaajeysiin ula kac ah iyo burburin lagu hayo guryahooda, waana dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc