Home Wararka Caalamka Israel oo taangiyadeeda soo dhoobtay xuduudda Magaalada Gaza

Israel oo taangiyadeeda soo dhoobtay xuduudda Magaalada Gaza

by Laacib

Israel ayaa dardargelineysa dhaqdhaqaaqyadeeda militari ee ku wajahan Magaalada Gaza, iyadoona ciidamada u diyaarineyso hawlgal ballaaran oo dhulka ah oo ay ka sameeyaan magaaladaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa deegaanada koonfurta Israel ee dhaca duleedka Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ku abaabulaya ciidamada ay qorsheynayaan inay qaadaan gulufka militari ee lagu la wareegayo magaaladaasi.

Taliska ayaa taangiyo fara-badan soo dhoobay xuduudda ay Israel ka dhex sameysay Marinka Gaza iyo deegaanada kale ee Falastiiniyiinta, laakiin loogu yeero koonfurta Israel.

Ciidanka Difaaca Israel ayaa mararka qaarkood tiro taangiyo ah ula tallaabaya dhinaca Magaalada Gaza, si ay u sahmiyaan in iska caabinta Falastiiniyiinta ay joogaan iyo in kale.

Ciidamada ayaa Khamiistii mar gudaha u galay afaafka hore ee magaaladaasi, balse iska caabin xoogan oo ay kala kulmeen Guutooyinka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa ku riixday in ay dibadda uga soo baxaan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo gelinkii dambe ee Khamiistii booqday Taliska Koonfureed, oo ah halka laga abaabulayo duulaanka dhulka ee magaaladaasi ayaa ciidamada u sheegay in ay isaga ka sugaan amar kama dambeys ah.

Dowladda Netanyahu ayaa shuruudo dhowr ah ku xirtay in la soo afjaro dagaalka Gaza, kuwaas oo ay ku sheegtay kuwo aan mabda’ ahaan laga tanaasuli karin.

Israel Katz, Wasiirka Gaashaandhiga Israel ayaa Jimcihii ku hanjabay inay dhulka dhigi doonaan dhismayaasha ku yaala Magaalada Gaza, haddii aysan Xamaas ogolaan shuruudaha Israel.

Golaha Wasiirada Israel ayaa 8-dii bishan ansixiyay shan qodob oo lagu joojin karo dagaalka, kuwaas oo kala ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, in ay wareejiso maamulkeeda Gaza, sii deynta dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, in aan wax hub ahi lagu dhex haysan karin Marinka Gaza oo amnigeedana la hoos keeno Israel iyo in Gaza loo dhiso maamul aan ahayn Xamaas iyo kan Maamulka Falastiiniyiinta ee ka dhisan Daanta Galbeed ee Israel haysato.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Magaalada Gaza lagu soo daro dhulka Israel, si halkaasi loo soo dejiyo dadka Yahuudda.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in dowladdiisu ay fulin doonto dhammaan go’aamada ka soo baxay Golaha Wasiirada, isagoo iska dhega tiraya cambaareynta caalamiga ah iyo cadaadiska gudaha & dibadda ee lagu diidan yahay sii socoshada dagaalka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa maalmahaanba duqaymo is daba joog ah ku hayay Magaalada Gaza, taasoo ay Warbaahinta Israel ku sheegtay in lagu xaqiijinayo in la burburiyo dhismayaasha ku yaala magaaladaasi.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israel ayaa ku waramay in siyaasiyiinta iyo militariguba ay dhisma walba oo taagan u arkaan in uu khatar gelinayo askarta, sidaasina daraadeedna ay tahay in dambas laga dhigo.

Wasiir Katz ayaa ka digay in Magaalada Gaza ay u burburin doonaan, si la mid ah deegaanada Rafah iyo Beit Hanoun, haddii ay Xamas aqbali weydo shuruudahooda.

Rafah iyo Beit Hanoun oo ku kala yaala koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza ayaa ka mid ah meelaha ay Israel sida ba’an u burburisay.

Netanyahu oo ay garbo ordayaan Wasiirada axsaabta midigta fog ee wax ka soo dhisay dowladdiisa wadaagga ah ayaa u baxsanaya wareeg kale oo dagaal ah, iyadoo shacabka Israel ay ka digayaan ballaarinta dagaalka in uu halis gelinayo maxaabiista harsan ee weli nool.

Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich oo ah Wasiirada ugu xagjirsan ee dowladda isbahaysiga ayaa riixaya dagaalkan, xilli sida la sheegay uu dhaawacan yahay mooralka ciidamada.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay niyad xumo ka muujinayaan qorshaha loogu dirayo hawlgal ay si qoto dheer isugu fidinayaan Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc