Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa ku celiyay diidmadiisa ku aaddan in la joojiyo dagaalka Marinka Gaza, isagoona wacad ku maray in aysan dagaalka joojin doonin, illaa xoog lagaga soo furto maxaabiista, lana qabsado Magaalada Gaza.
Wasiirka oo maanta khudbad ka jeediyay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Magaalada Jerusalem ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan, sidii ay ku soo furan lahaayeen maxaabiista Israel ee lagu haysto gudaha Gaza iyo sidii ay amniga Marinka Gaza u hoos keeni lahaayeen Israel.
Wasiirka ayaa Ciidamada Israel ku ammaanay in ay ka adkaanayaan Xoogaga Ururka Xamaas ee ka hortaagan in ay Gaza ka dhigaan goob gebigeedba la haysto.
Wasiirka midigta fog ayaa sidoo kale sheegay in aan la joojin doonin deegaameynta sharci darrada ah ee ay Israel ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Ninkan ayaa dhowr cisho ka hor u dabaal-degay ansixinta mashruuc ballaaran oo dadka Yahuudda kumanaan guri looga siinayo goobta lagu muransan yahay ee E1 ee ka tirsan Daanta Galbeed.
Waxa uu intaasi ku daray in mashruuca deegaameynta uu soo afjarayo qorshaha ay dunida dooneyso in lagu dhiso laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.
Daanta Galbeed ee Falastiin ayuu ku sheegay dhul ay Israel leedahay, isla-markaana ay tahay in laga saaro Falastiiniyiinta degan.
Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel ayaa madax ka ah xisbiga xagjirka ah ee National Union–Tkuma, kaas oo wax ka soo dhisay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Smotrich iyo Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir waxaa lagu sheegaa labada nin ee Netanyahu uu u arko in isbahaysiga xisbiyadooda ay muhiim u yihiin jiritaanka dowladda uu hoggaamiyo, inkastoo Smotrich uu yahay ninka koowaad ee dowladdu ay ku dhisan tahay xisbigiisa. Ka bixitaanka Xisbiga National Union–Tkuma oo keliya ayaa ku filan in dowladdu ay dhacdo.
Labadan Wasiir ayaa Netanyahu uga digay in la joojiyo dagaalka Gaza, in la qaado xanibaadaha gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza iyo in la soo afjaro deegaameynta laga wado Daanta Galbeed. Waxay Netanyahu ugu hanjabeen inay ridi doonaan dowladdiisa, dalkana laga qaban doono doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, haddii uu u hoggaansamo cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo in la dhameeyo xadgudubyadooda ka dhanka ah Falastiiniyiinta.
Smotrich waxaa lagu sheegaa Wasiirka koowaad ee Netanyahu uu ka waabto, bacdamaa taageeda xisbigiisa aan looga maarmi karin in dowladdu ay sii shaqeyso.
Netanyahu oo ka xeeladeynaya in dowladdiisu ay burburto ayaa sii wada in la dhageysto rabitaanka Smotrich.