Home Dhacdooyin Israel oo duqayn culus ka gaysatay Caasimadda Yemen ee Sanca (SAWIRRO)

Israel oo duqayn culus ka gaysatay Caasimadda Yemen ee Sanca (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa Axaddan weerar xoogan ku qaaday Magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen, iyagoo ka jawaabaya gantaalada ay Xuutiyiinta ku garaacayaan gudaha Israel ee lagaga soo horjeedo sii socoshada dagaalka Gaza.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa habeenkii Jimcaha soo jiitay indhaha shacabka Israel, ka dib markii gantaal nooca ballaastikada ah ay ku garaaceen Magaalada Tel Aviv. Warbaahinta Israel ayaana warisay in nidaamka difaaca hawada uu ku guuldareystay in uu ka hortago gantaalkaasi. Xuutiyiinta ayaa isla Jimcihii diyaarado drones ah ku weeraray Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedsadeen kaabeyaasha Xuutiyiinta ee Magaalada Sanca.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay duqeeyeen xero ciidan oo ku taala Madaxtooyada Yemen, kaalin shidaal iyo weliba laba xarumo koronto.

Warka ayaa lagu sheegay in duqaymahan ay jawaab u yihiin gantaalada guuxooda ka dheereeya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay Xuutiyiinta ku soo weerarayaan Israel, oo ugu dambeysay baa warka lagu yiri Jimcihii.

Warbaahinta Israel ayaa waxay sheegtay in Xarunta Madaxtooyada Yemen ee Magaalada Sanca loo bedelay talis ciidan, oo laga fuliyo hawlgalada militari ee Xuutiyiinta.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Qasriga Madaxtooyada laga tagey sanado ka hor, isla-markaana ay Madaxtooyadu noqotay mid ka mid ah kaabeyaasha militari ee Xuutiyiinta.

Militariga Israel ayaa mar dambe war kale oo ay soo saareen ku sheegay in Xuutiyiinta ay kaabeyaasha rayidka u isticmalayaan ujeedooyin militari.

Wasaaradda Caafimaadka Xuutiyiinta ayaa sheegtay in laba qof ay ku shahiideen weerarka Israel, 35 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn ay gilgileen magaalada, isla-markaana la beegsaday afar goobood oo ku yaala magaaladaasi.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, Wasiirka Difaaca, Israel Katz iyo Taliyaha Ciidamada, General Eyal Zamir ayaa hawlgalkan kala socday Xarunta Taliska Militariga ee Magaalada Tel Aviv, taas oo muujineysa, sida ay uga carreysan yihiin kororka weerarada Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta Yemen ayaa toddobaadkii hore laba gantaal oo Hypersonic ah, looguna magac-daray (Palestine 2) ku garaacay dhulka Israel.

Inkasta oo Madaxda Israel ay ka madax adeygayaan cadaadiska caalamiga ah iyo midka gudaha ee lagu saarayo in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Gaza ayaa waxay haddana welwel ka muujinayaan gantaalada ridada dheer ee ay Yemeniyiinta ku hubeysan yihiin.

Yemen ayaa waxay ka mid tahay dalalka yar dunida ee haysta gantaalada guuxooda ka dheereeya ee Hypersonic, waana tan keentay in inta badan diyaaradaha rakaabka ee dalalka reer galbeedka ay ka fogaadaan inay taggaan Garoonka Ben Gurion ee ku yaala duleedka Tel Aviv.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc