Home Wararka Caalamka Xuutiyiinta Yemen oo Israel ugu hanjabay koror kaloo weeraro ah

Xuutiyiinta Yemen oo Israel ugu hanjabay koror kaloo weeraro ah

by Laacib

Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa wacad ku maray inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkii xagga cirka ee ay Israel Axaddii ka gaysatay Magaalada Sanca ee dalkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay afar goobood oo ku yaala magalaadaasi, oo lagu kala sheegay Xarunta Madaxtooyada Yemen, bakhaar shidaalka lagu kaydiyo iyo laba xarumood oo koronto.

Militariga Israel ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay in ay kaabeyaasha rayidka u isticmaalayaan ujeedooyin militari.

Tirada dadka ku dhintay duqaymaha Israel ayaa gaartay afar qof, halka 67 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xalay baahiyay telefishinka afka Xuutiyiinta ku hadla ee Al Masirah.

Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in khasaaruhu uu intaasi aad uga badan lahaa, haddii nidaamkooda difaaca hawada aanu burburin lahayn qaar badan oo ka mid ah gantaaladii weerarka loo adeegsaday.

Dadka reer Sanca ayaa sheegay in Israel ay magaalada ka fulisay duqaymo waaweyn oo dhulka la gariiriyay.

Ururka reer Yemen ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarada ay garab istaaga ugu muujiyaan Falastiiniyiinta reer Gaza ee la kulmaya weerarada cadowtinimada ah ee Israel, isla-markaana aysan Israel shacabka Yemen ka joojin karin taageerada walaalahooda Falastiin, wax kasta oo dhacaba.

Nasruddin Amer oo ka tirsan Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in hawlgaladooda militari ee ka dhanka ah Israel aysan joogsan doonin, illaa ay Israel joojiso dagaalka Gaza iyo go’doominta ay ku hayso.

Sarkaalkan ayaa sheegay in beegsiga Israel ee kaabeyaasha rayidka aysan Tel Aviv ka caawin doonin in la xakameeyo gacmaha Yemen, balse taasi bedelkeeda ay jeexi doonto khad cusub oo koror weeraro kale ah.

Mohammed Al Bukhaiti oo isna ka mid ah Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in hadafka Yemen uu yahay mid cad, kaasoo ah in la joojiyo waxa ay Israel ka waddo Gaza.

“Weerarka Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah Yemen nagama niyad jebin doono inaan sii wadno taageerada aan siinayno dadka Gaza, wax kastana waan u huri doonnaa.” Ayuu yiri Mohammed Al Bukhaiti.

Al Bukhaiti ayaa sheegaya in laba goorba uu dagaalkan faa’iido u leeyahay shacabka Yemen, oo uu ku kala sheegay ama inay shahiidaan oo janno ay galaan ama inay gacmahooda ku ciqaabaan cadowga.

Dhanka kale sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Abed Al Thawr ayaa beeniyay sheegashada Militariga Israel ee ku saabsan inay garaaceen bartilmaameedyo militari.

Abed Al Thawr ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan goobaha la duqeeyay ay yihiin kaabeyaasha rayidka ah, si Israel ay ugu dhibaateyso shacabka Yemen.

“Xarunta Madaxtooyada ee la duqeeyay oo kale, muddo dheer ayay cidlo ahayd. Marka waxa ay Israel sameynayso waa wax waxashnimo ah.” Ayuu yiri Abed Al Thawr.

War ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in gardarradan ay caddeyn u tahay in Israel oo taageero ka heleysa Mareykanka ay dagaal furan kula jirto Carabta iyo ummadda Muslimka.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa ku hanjabay inay ka adkaan doonaan Xuutiyiinta Yemen, si la mid ah sida ay uga adkaadeen sida uu yiri Xisbullah, Suuriya iyo Iran.

Weerarka ka dhacay Sanca ayaa sare u qaadaya xiisadda ka jirta Gobolka Bariga Dhexe ee ka dhalatay xasuuqa ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Fallanqeeyeyaasha ayaa qaba in Xuutiyiinta ay isku diyaarinayaan, sidii si dhakhsa ah ay uga jawaabi lahaayeen weerarka xoogan ee Israel. Xuutiyiinta ayaa looga bartay in aysan jawaabahooda daahin, marka sidaan oo kale loo soo weeraro.

Xoogaga Yemen ayaa habeenkii Jimcaha walaac amni ku beeray shacabka Israel iyo madaxdoodaba, ka dib markii gantaal ay ku weerareen bartamaha Israel uu ka fara baxsaday nidaamka difaaca hawada ee maamulkaasi.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dhulka Yemen ayaa la sheegaa in ay ka go’an tahay inay Israel khasab kaga dhigaan in ay soo afjarto duulaankeeda Gaza iyo in la fasaxo gargaarka bani’aadantinimo ee la hortaagan tahay, bacdamaa ay dadku baahi weyn u qabaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc