Home Wararka Caalamka Xiisad ka dhex qaraxday Israel iyo Xuutiyiinta

Xiisad ka dhex qaraxday Israel iyo Xuutiyiinta

by Laacib

Xiisad hor leh ayaa ka dhex qaraxday Israel iyo Ururka Xuutiyiinta Yemen, ka dib duqaymihii diyaaradaha dagaalka Israel ay Axaddii ka gaysteen Magaalada Sanca.

Weerarkan ayaa galaaftay nolosha afar qof, iyadoo 67 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu ku waramay Telefishinka Al Masirah oo afka Xuutiyiinta ku hadla. Xuutiyiinta ayaana ku hanjabay in Israel ay la kulmi doonto koror weeraro cusub ah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Xuutiyiinta uga digay inay mar kale soo weeraraan dhulka Israel, haddii kalena ay bixin doonaan qiimo aad u badan.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan weerarada ay ku beegsanayaan cid kasta oo qorsheyneysa inay weerarto Israel.

“Mid kasta oo ina soo weerara, waanu weerari doonnaa. Qof kasta oo qorsheynaya inuu na soo weeraro, isaga ayaan weeraraynaa.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaa raaciyay “Waxaan u malaynayaa gobolka oo dhan inuu baranayo xoogga iyo go’aanka Israel.”

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku hanjabay in Xuutiyiinta ay baran doonaan, waxa uu ku sheegay dariiqa adag ee ay ku bixin doonaan qiimaha aadka u culus.

“Nidaamka argagixisada ah ee Xuutiyiinta ayaa baranaya dariiqa adag ee ay ku bixin doonaan qiimaha aadka u culus ee gardarrada ay ku hayaan Israel.” Ayuu yiri Netanyahu.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa dhankiisa Xuutiyiinta ugu yeeray inay ka waan-toobaan gantaalada iyo drones-ka ay ku soo weerarayaan dhulka Israel, si aysan ula kulmin jawaab xoog badan.

Wasiirka oo tixraacaya gantaal saacadihii dambe ee Axaddii lagu weeraray bartamaha Israel ayaa ku goodiyay in nin kasta oo gacanta ku taga Israel ay gacanta ka jari doonaan. Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in inkastoo gantaalkaasi la soo riday, haddana uu seeriga dhawaqa digniinaha ee duulaanka hawada uu ka kiciyay Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem.

“Nin walba iyo kii kasta oo gacantooda ku taaga Israel, waa laga goyn doonnaa.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiir Katz ayaa yiri “Kooxdu waxay ku bixin doontaa dulsaar isku dhafan, isku day kasta oo lagu soo rasaaseeyo Israel.”

Shabakadda Wararka Walla ee Israel ayaa ku warantay in maamulku uu u jeedsanayo, sidii saaxada dagaalka looga saari lahaa Saraakiisha Xuutiyiinta, xilli 21 bilood oo Israel ay weeraro kala kulmeysay Xuutiyiinta aysan weli gacanteedu gaarin sarkaal qura oo Yemeni.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Axaddii lagu guuldareysatay isku day la doonayay in lagu dilo Taliyaha Militariga Xuutiyiinta, Muhammad Abd Al Karim Al Ghamari, intii ay socotay duqayntii Magaalada Sanca.

Shabakadda Walla ayaa qortay in Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad iyo Taliska Sirdoonka Militariga ee Aman (Unugga 8200) ay ka wada shaqeynayaan hawlgal gaar ah oo lagu ugaarsanaayo Saraakiisha Xuutiyiinta.

Israel iyo Mareykanka oo wada socda ayaa horey ugu guuldareystay qorsheyaal ay dejiyeen in lagu khaarijiyo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo Militariga ee Xuutiyiinta, sababtu tahay Xuutiyiinta oo sameeyay hawlgal sifeyn ah, ka gadaal markii ay heleen xogo ku saabsan in lagu soo maqan yahay.

Xuutiyiinta ayaa sanadkii hore dad badani u qabqabtay falal basaasnimo la xiriira, iyadoona dadka la xiray ay ku jiraan xubno isla iyaga ka tirsanaa.

Mareykanka ayaa 6-dii bishii May ee sanadkan Xuutiyiinta la galay heshiis xabad joojin ah, oo lagaga deynayay duqaynta Ciidamada Mareykanka, si iyana ay u joojiyaan weeraradii ay ku qaadayeen maraakiibtiisa mareysa Badda Cas.

Mareykanka oo kaashanaya Ingiriiska ayaa 12-kii bishii January ee sanadkii 2024 bilaabay duqaymo ka dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen, iyadoona uu ujeedku ahaa in lagu joojiyo weerarada Xuutiyiinta ay ku beegsanayaan maraakiibta ku wajahan Dekedaha Israel iyo weerarada tooska ah ee ay ka gaysanayaan dhulka Israel, laakiin ay ku hungoobeen. Xuutiyiinta ayaana bartimihii bishaasi ku dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo lagu gubayo maraakiibta Mareykanka iyo Ingiriiska. Wixii xilligaasi ka horreyay maraakiibta dalalkaasi ayaanan ahayn hadaf militari.

Mareykanka ayaa gacmaha ka taagay Xuutiyiinta, markii ay gacantoodu gaari weyday dhulka buuraleyda waqooyiga Yemen ee taliska u ah ururka reer Yemen.

Hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta ayaa ku celceliya inaysan jirin cid shacabka Yemen ka joojin karta taageerada ay u fidinayaan dadka reer Gaza, isla-markaana ay weeraradooda joojin doonaan oo keliya, marka ay Israel soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza iyo go’doominta ay ku hayso.

Xiisadda Xuutiyiinta iyo Israel ayaa soo laba kacleeyay, markii Xuutiyiinta ay habeenkii Jimcaha ku weerareen bartamaha Israel gantaal qalqal amni ka abuuray Magaalada Tel Aviv.

Gantaalkan ayaa ka fara baxsaday hannaanka difaaca hawada ee Israel, wuxuuna Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Sare uu sheegay inay si sax ah u garaaceen bartilmaameedkii weerarkooda.

Inkasta oo Israel ay caan ku tahay inay qariso khasaaraheeda, haddana Warbaahinta maxaliga ayaa Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ka soo xigatay in shaqaalahooda ay qaadeen dhaawacyo ka dhashay weerarkaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in weerarkoodii Sanca uu jawaab u yahay gantaalada guuxooda ka dheereeya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay Xuutiyiinta ku soo weerarayaan Israel.

Xiisaddan ayaa sii hurineysa xiisaddii gobolka ka jirtay ee ka dhalatay weerarada aan kala sooca lahayn ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc