Shacabka Israel ayaa sii wada cadaadiska ay dowladdooda ku saarayaan in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza, si loogu soo sii daayo dadka looga haysto gudaha Gaza.
Shacabka ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Tel Aviv, iyagoona hakiyay isu socodka magaaladaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa mudaaharaadkoodii maanta ku tilmaamay ‘maalin halgan’, iyagoo dalbanaya in wada hadal lagu dhameeyo colaadda Gaza, taasoo ay ku sheegayaan waddada keliya ay iyagoo nool ku soo laaban karaan maxaabiista.
Shacabka ayaa Talaadadan isugu soo baxay waddooyinka Tel Aviv, ka dib markii Warbaahinta ay soo dusisay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu saacadaha soo socda uu shir guddoomin doono kulan ay Golihiisa Wasiirada ka yeelanayaan duulaanka ballaaran ee la qorsheynayo in lagu qaado Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.
Shacabka oo duulaankan ku sheegay mid khatar lagu gelinayo nolosha maxaabiista harsan ayaa taayaro ku gubay waddooyinka Tel Aviv, si ay ugu muujiyaan carradooda ku aaddan duulaanka cusub ee la doonayo in lagu qabsado Magaalada Gaza iyo in amniga Marinka Gaza lagu hoos keeno Israel.
Toddobaad ayaa laga joogaa, markii Xamaas ay aqbashay hindise xabad joojin iyo maxaabiis is dhaafsi ah, oo ay soo jeediyeen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha.
Israel ayaan weli gudbin jawaabta ku aaddan hindisaha cusub ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.
Jimcihii ayaa la filayay in Israel ay gudbin doonto jawaabteeda, welina wax jawaab ah lagama hayo, inkastoo Raysal Wasaare Netanyahu uu sheegay in uu diri doono ergada kaga qaybgaleysa wada hadalada, si loo gaaro heshiis horseedaya in la soo daayo dhammaan maxaabiista Israel, laguna soo afjari karo dagaalka Gaza.
Shacabka Israel oo niyad xumo ka muujinaya in Raysal Wasaare Netanyahu aysan daacad ka ahayn in la gaaro heshiiska loo baahan yahay ayaa ku hanjabay inaysan joojin doonin mudaaharaadkooda, illaa laga dhageysto.
Qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa hoggaaminaya dibadbaxyada ay shacabku ku diidan yihiin dagaalkan, culeyskana lagu saarayo dowladda uu Benjamin Netanyahu madaxda ka yahay.
Carrada gudaha ayaa xoogeysatay, ka gadaal markii Golaha Wasiirada Israel ay 8-dii bishan ansixiyeen qorshe lagu ballaarinayo dagaalka Marinka Gaza, isla-markaana lagu la wareegayo Magaalada Gaza. Golaha ayaa sidoo kale u codeeyay in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel, taasoo uu Netanyahu dhowr jeer ku goodiyay in la fulin doono, si uu isaga sii jeediyo Wasiiraa xagjirka ah ee culeyska ku saaraya in la sii wado dagaalkan.
Shacabka oo is garabtaag u muujinaya qoysaska ay dadkoodu ka maqan yihiin ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay qorshaha ku saabsan in ciidamada loo diro wareeg kale oo dagaal ah.
Dowladda Netanyahu ayuu cadaadis kale ka haystaa waalidiinta dhashay askarta ka dagaalameysa Gaza iyo kuwa cusub ee hadda loo wado, iyagoona muujinaya walaaca ay ka qabaan in wiilashooda iyo gabdhahoodaa dabka lagu sii hayo.
Waalidiinta ayaa cod kore ku sheegaya in dagaalkan aanu ahayn dagaal Israel, isla-markaana uu yahay dagaal siyaasadeed oo aan la ogolaan karin.
Muddooyinkanba ayaa waxaa soo badanayay waalidiinta taagan safka hore ee dibadbaxayaasha ka soo horjeedo in dagaalku uu sii socdo.
Sii wadidda dagaalka ayaa ku xiran in Netanyahu uu xafiiska sii joogo, sababtoo ah Wasiirada axsaabta midigta ah ee isbahaysiga la ah dowladdiisa oo ugu hanjabaya in ay ridi doonaan, haddii uu qaato go’aan xabad joojin dhameystiran looga hirgelinayo Marinka Gaza.