Israel ayaa mar kale la kulmeysa cambaareyn caalami ah, ka dib markii ciidamadeeda ay garaaceen mid ka mid ah isbitaalada yar ee ka shaqeynaya Marinka Gaza.
Qaramada Midoobey ayaa Talaadadan si kulul u cambaareysay duqaynta ay Ciidamada Israel Isniintii u gaysteen Isbitaalka Nasser ee koonfurta Marinka Gaza, oo ay ku dhinteen labaatan qof, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ayaa dadka lagu dilay waxaa ka mid ah shan Saxafi, taasoo wadarta guud ee tirada Wariyeyaasha lagu dilay Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ka dhigeysa 247 Saxafi.
Weerarka oo laba jeer dhacay ayaa midka hore waxaa lagu bartilmaameedsaday dad ku sugnaa isbitaalkaasi, iyadoo midkii labaadna lagu beegsaday dad badan oo halkaasi isugu soo baxay, si ay ugu gurmadaan dadkii wax ku noqday weerarkii koowaad. Wariyeyaasha ayaa meesha u tagey, si ay dhacdada hore u soo wariyaan, balse ay si lama filaan ah ula kulmeen duqayntii labaad.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhacdada ku tilmaamay khasaare naxdin ah, iyadoona Militariga Israel ay sheegeen in ay baarayaan.
Afhayeen u hadlay Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Thameen Al Kheetan ayaa sheegay in dunidu ay ka naxsan tahay beegsiga Israel ee Saxafiyiinta.
Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay inay dalbanayaan in la joojiyo dilka Wariyeyaasha iyo weliba in la helo caddaalad & isla xisaabtan, si sharciga loola tiigsanayo kuwa dilaya Wariyeyaasha.
“Waxaan dhihi karnaa Militariga Israel ayaa qaaday weeraro xagga cirka ah, oo ay ku qaadeen Dhismaha Isbitaalka Nasser, waxaana jiray laba weerar oo cirka ah, muddo gaaban gudaheed.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Tani waa naxdin, waana wax aan la aqbali karin. Waxaan ognahay in Ciidamada Israel ay ku dhawaaqeen in baaritaan lagu samayn doono dhacdadan iyo dilka dhammaan dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan Saxafiyiinta, waa in si qoto dheer oo madaxbannaan loo baaro, caddaaladduna waa in ay raacdaa.”
Afhayeenka Midowga Yurub, Anouar El Anouni ayaa si adag u cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in aan gebi ahaanba la aqbali karin weerarka Israel.
Afhayeenka ayaa Israel ugu yeeray inay si dhab ah u baarto weerarka, maadaama ay dad badani ku dhinteen, natiijada baaritaankeedana ay ka sugayaan.
“Dadka rayidka ah oo ay ku jiraan Saxafiyiinta waa in la ilaaliyaa, iyadoo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray in dadka reer Gaza ay muddo dheer ku jireen xaalad silic ah, haddana la joogo waqtigii la soo afjari lahaa.
“Waxaan ugu baaqaynaa Israel in ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo in la baaro weeraradan, lana soo bandhigi natiijada baaritaanka.” Ayuu yiri Afhayeenka Midowga Yurub.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa dhankiisa cambaareeyay weerarka, isagoona sheegay in uu aad uga naxay. Lammy ayaa Israel ugu baaqay in ay aqbasho xabad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo cambaareeyay weerarkaasi ayaa ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan karin, wuxuuna Israel ugu yeeray inay ilaaliso dadka rayidka ah iyo Wariyeyaasha, xaalad kasta oo lagu jiro.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Spain ayaa ku biirtay dhinacyada cambaareynaya weerarka, iyadoona weerarkan ku qeexday mid xadgudub qaawan ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada. Waxa ay ku baaqday in Wariyeyaasha la siiyo ilaalo gaar ah oo aan la bartilmaameedsan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Canada ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkan ay dadka ku dhinteen, waxayna mar kale ku baaqday xabad joojin degdeg oo joogto ah.
Raysal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa sheegay in Berlin ay sugeyso natiijada baaritaanka ee Israel, ka hor inta aysan qaadan go’aan ka dhan ah Israel.
Raysal Wasaaraha ayaa Warbaahinta u sheegay inuusan aaminsaneyn in weerarku uu ahaa mid ay Israel si ula kac ah ula beegsatay Saxafiyiinta.
“Ciidamada Israel iyo dowladduba waxay labadaba ballanqaadeen in ay baaritaan buuxa ku samayn doonaan dhacdadan. Marka waxa aan jeclaan lahaa in aan sugno natiijada baaritaanka, ka hor inta aan la gaarin xukunka ugu dambeeya.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Merz.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo Wariyeyaasha ay wax weydiiyeen dhacdadan ayaa sheegay in uusanba ka warqabin, isagoo Saxafiyiinta weydiiyay “Goorma ayay dhacday tan?”
Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu arko tan oo kale, wuxuuna sheegay inay tahay in ay soo afjaraan xaaladda xun ee Gaza.
Dadka badankii ayaan wax rajo ah ka qabin natiijada baaritaanka ee Israel, maadaama aan looga baran inay soo saarto natiijo wax ku ool ah, oo askarta loogu ciqaabi karo dembiyada ay gaysanayaan.
Nidaamka gumeysiga ee Israel ayaysan maxkamadihiisu u sameysneyn meel lagu ciqaabo askarta, marka ay noqoto xadgudubyada ay kula kacayaan shacabka Falastiin.
Waa dhif iyo naadir in askarta loo maxkamadeeyo dembiyada ay ka gaysanayaan dhulka Falastiiniyiinta.