Ururka Saxafiyiinta Caalamiga ah ayaa maanta bannaanbax ka dhigay Magaalada Brussel ee Xarunta Midowga Yurub, iyagoo ka xun weerarkii ugu dambeeyay ee ay Israel Isniintii ku dishay shan ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgasha Marinka Gaza
Saxafiyiinta ayaa bannaanbaxan ka dhigay dalkaasi Belgium, si ay dunida ugu tusaan in Israel ay si gaar ahi u bartilmaameedsaneyso Wariyeyaasha ka soo waramaya xaaladda cakiran ee ka jirta dhulka ay macluusha ku sii baaheyso, isla-markaana ay Tel Aviv diidan tahay in wax laga qabto.
Dibadbaxaan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Saxafiyiinta Caalamiga ah (IFJ) ayaa lagu cambaareeyay weerarka xagga cirka ay Israel ku qaadday Isbitaalka Nasser oo ku yaala koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo shalay ay ciidamadeeda ku dileen 20 qof oo shan ka mid ah ay Saxafiyiin ahaayeen.
Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in tani ay tirada Saxafiyiinta la dilay, tan iyo markii uu dagaalka Gaza bilowday ay ka dhigeyso 247 Saxaafi.
Ururka Saxafiyiinta Caalamiga ah ayaa soo bandhigay liiska magacyada in ka badan 200 oo Saxafi, oo Ciidamada Israel ay ku dileen Gaza, laga soo bilaabo bishii October ee sanadkii 2023 oo dagaalkan uu bilowday.
Waxay sheegeen in ururku uu hayo caddeymo muujinaya in Ciidamada Israel ay si bareer ah u beegsanayaan Saxafiyiinta, isla-markaana dacwadaha qaarkood lala wadaagayo Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC).
Ururka ayaa sheegaya inay doonayaan in la taageero Saxafiyiinta Gaza iyo in lala xisaabtamo Israel, si ay caddaalad u helaan dhibaneyaasha.
Duqayntii Isniintii ayaa abuurtay carro caalami ah, waxayna keentay in mar kale si kulul loo cambaareeyo Israel, oo ku dhawaad muddo laba sano ah dembiyo dagaal iyo dhacdooyin argagax leh ka gaysaneyso Gaza oo dhan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay dilka naxdinta leh ee Israel u gaysatay shacabka aan waxba galabsan.
“Dilalkan naxdinta leh ee ugu dambeeyay waxay muujinayaan khatarta xad dhaafka ah ee ay la kulmaan shaqaalaha caafimaadka iyo Saxafiyiinta.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.
Xoghaye Guterres ayaa xoojiyay baaqa caalamiga ah ee Israel lagaga dalbanayo in ay sameyso baaritaan buuxa, si loo helo isla xisaabtan iyo caddaalad.
“Waxaan dalbanaynaa in mar walba la ilaaliyo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo Wariyeyaasha, waxaana ku baaqaynaa in baaritaan degdeg oo dhexdhexaad ah laga sameeyo dilalkan.” Ayuu yiri Guterres.
Guterres ayaa yiri “Saxafiyiinta waa inay awoodaan in ay ku shaqeeyaan fara-gelin iyo cago-jugeyn la’aan ama waxyeeo la’aan, si buuxda oo waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.”
Guterres ayaa ku celiyay baaqiisii ahaa in xabad joojin degdeg oo joogto ah laga hirgeliyo Marinka Gaza iyo in la soo afjaro xanibaadaha lagu hayo qulqulka gargaarka bani’aadantinimo.
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa sheegay in duqaynta Israel ay burbur u gaysatay Qaybta Xaaladaha Degdegga ee Isbitaalka Nasser oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qaybta kale ee bukaanka la seexiyo iyo jaranjarooyinka isbitaalka uu iyana burbur soo gaaray.
“Iyadoo dadka Gaza ku nool ay gaajeysan yihiin, haddana helitaanka caafimaadka ee xadidan ayaa waxaa sii curyaamiyay weerarada soo noqnoqda.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus oo intaasi raaciyay “Jooji weerarka lagu hayo adeegga caafimaadka. Hadda waa in la sameeyaa xabad joojin.”
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ka jawaabaya cambaareynta caalamiga ah ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadaasi, wuxuuna xafiiskiisu sheegay in Saraakiisha Militariga ay baaritaan wadaan.
Militariga ayaan looga baran inay soo saaraan natiijo lagu qanci karo, waxayna aalaaba ay baaritaanadooda ku soo dhammaadaan, keliya inay eedeyn ugu jeediyaan Xamaas, iyaga oo qiil u sameynaya weerarada taxadar la’aanta ah ee ay ciidamadoodu gaysanayaan iyo dhiigga ay daadinayaan.
Wariyeyaashan ugu dambeeyay ee hadda ay taagan tahay carrada ka dhalatay dilkooda ayaa waxay u shaqeynayeen Wakaaladaha Wararka sida Reuters, AP, Al Jazeera iyo Middle East Eye, dhammaantoodna waa kuwo maxali oo reer Falastiin ah.
Israel ayaan ogoleyn in Wariyeyaasha ajnabiga ah ay galaan Marinka Gaza, si xor ahna ay uga soo waramaan xaaladda dhabta ah ee halkaasi ka jirta. Sidaasi daraadeed Wariyeayasha Falastiiniyiinta ayaa ah isha ugu weyn ee laga soo xigto wararka Gaza, kuwiina waxaa si qorsheysan u gumaadeysa Israel.
27 dal oo u badan xulafada Israel ee reer galbeedka ayaa 21-kii bishan ugu baaqay inay joojiso xanibaadda ay ku hayso in Wariyeyaasha shisheeye ay galaan Gaza.
Dalalka saxiixay baaqa bayaankan oo Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Australia ay ka mid yihiin ayaa Israel ku booriyay in ay Wariyeyaasha siiso ogolaansho ay uga soo warami karaan xaaladda Gaza, laakiin ma noqon mid ay soo dhaweysay.
Mudaaharaadka Ururka Saxafiyiinta Caalamka ee ka dhacay Magaalada Brussels ayaa calaamad u ah farriintii ugu dambeysay ee lagu dalbanayo in Israel gacmaha lagaga qabto.