Taliska Militariga Israel ayaa soo saaray natiijada horudhac ah ee baaritaankii ay ku sameeyeen sababta ka dambeysay weerarkii xagga cirka ay Isniintii ku qaadeen Isbitaalka Nasser oo ku yaala deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Duqaynta oo laba jeer dhacday ayaa lagu dilay 20 qof oo shan ka mida ay Saxafiyiin yihiin, iyadoona weerarku uu dhaliyay carro caalami ah, keentayna in si kulul loo cambaareeyo xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Militariga Israel ayaa xalay soo saaray gunaanadkooda, ka dib baaritaan bilow ah, oo ay sheegeen inay ku sameeyeen weerarka isbitaalka.
Militariga ayaa warbixintooda ku sheegay in ciidamadu ay garaaceen isbitaalkaasi, si ay u burburiyaan waxa ay ku sheegeen kaamirada Xamaas.
Warka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay aqoonsadeen kaamirad ay Xamaas dhigtay amaba ku xirtay agagaarka Isbitaalka Nasser.
“Kaamirada ayaa loo isticmaalayay in lagu la socdo dhaqdhaqaaqa Ciidanka Difaaca Israel.” Ayaa lagu yiri warka Militariga Israel.
“Iyadoo taasi laga duulayo, ciidamada ayaa waxay sameeyeen hawlgal ay ku doonayeen inay meesha uga saaraan kaamirada, waxaana baaritaanka la sameeyay uu muujiyay in ciidamadu ay u dhaqaaqeen, sidii a meesha uga saari lahaayeen khatarta.” Ayuu warka intaasi ku daray.
Militariga Israel ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah, si loo baaro bay yiraahdeen daldaloolooyin dhowr ah.
Waxay sheegeen in Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir uu ku eedeeyay lix ka mid ah dadka la dilay inay ahaayeen argagixiso, isla-markaana uu mid ka mid ah ka qayb qaatay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ee kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku qaadeen dhulka ay Israel maamusho.
Waxay kaloo sheegeen in Taliyaha Ciidamada Israel uu ka xun yahay dhibaato kasta oo loo gaystay dadka rayidka ah.
Militariga Israel ayaan soo bandhigin caddeymo ay ku xoojinayaan eedeymaha ay u jeedinayaan Ururka Xamaas ee Falastiin.
Ururka Xamaas oo si dhakhsa ah uga falceliyay warka ka soo yeeray Militariga Israel ayaa ku tilmaamay mid gebi ahaanba xaqiiqda ka fog.
Basem Naim oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay in haddiiba uu run yahay warka Militariga Israel ay jiraan habab lagu baabi’in karay kaamirada, iyadoo aan la beegsan xarun caafimaad.
Ma jirto sabab macquul ah oo militari oo wax qiil ahi loogu heli karo in la weeraro kaabeyaasha rayidka oo isbitaalada ay ku jiraan, sida ku cad sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Israel ayaa burburisay inta badan kaabeyaasha dadweynaha ee Marinka Gaza, oo ay qayb ka yihiin goobaha caafimaadka, waddooyinka, gaadiidka dadweynaha, masaajidda, kaniisadaha, warshadaha biyaha sifeeya iyo iskuulada.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa dembi dagaal ku sheegay burburinta ula kaca ah ee goobaha danta guud iyo guryaha la degan yahay.
Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa 21-kii bishii November ee sanadkii hore soo saartay waaran lagu soo xirayo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant oo loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada oo Israel ka gaysatay Marinka Gaza.