Home Wararka Maanta Gulufka dagaal ee Daacish looga ciribtirayo dalka oo galay bar dhammaad

Gulufka dagaal ee Daacish looga ciribtirayo dalka oo galay bar dhammaad

by Laacib

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa toddobaadkii hore bilaabay guluf cusub oo loogu diyaargaroobay, sidii maleeshiyada Daacish looga saari lahaa deegaanada ku teedsan Dooxa ama Wadiga Baalade ee Gobolka Bari.

Dooxa Baalade oo sidoo kale loo yaqaano (Toga Baalade) ayaa ah marin buuraha dushooda ah oo biyuhu maraan, kaas oo ka bilowda qaybaha dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, wuxuuna dooxaasi ku dhammaadaa Gacanka Cadmeed.

Daacishta Somaliya oo dhulkan u aragtay goob gabaadka ku wanaagsan ayaa fariisimo ka sameysatay, ka dib markii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo dhawaan guda galay wejiga afaraad ee hawlgalka ciribtirka Daacish ayaa markan diiradda saaraya, sidii ay maleeshiyadaasi uga kicin lahaayeen goobaha ay kaga sugan tahay deegaanada dhaca Dooxa Baalade, ka dib markii ay horey uga soo saareen aagagga bariga iyo bartamaha ee Buuraleyda Calmiskaad.

Hawlgalka haatan ka socdo jiidda galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad ayaa ah meesha uu hawlgalkan ku dhammaan doono, waana dhulka ay Daacish baaqiga kaga sii tahay Calmiskaad.

Ciidamada ayaa dhowr cisho ka hor la wareegay deegaanada Buur Gunburi, Godgudban, Ceel Carabi, Ceelka Idakacab, Ceelka Maraagane, Yucrinta iyo Goble oo ka tirsan Toga Baalade, halkaas oo ay uga sii gudbeen waddada isku xirto deegaanada Geba-gabo iyo Gaaca oo isla Toga Baalade ah.

Ciidamada oo Arbacadii shalay dhaqaaq kale sameeyay ayaa maleeshiyada Daacish kula dagaalamay inta u dhaxeyso Maragaale iyo Kal-idaad.

Warbaahinta Puntland ayaa sheegtay in ciidamadu ay hawlgalkaasi ku dileen saddex ka mid ah maleeshiyada Daacish, isla-markaana ay horey u sii dhaqaaqeen.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay shalay galab hawlgalkooda ku ballaariyeen aagga Kal-idaad, isla-markaana ay dileen afar ka mid ah kooxaha argagixisada.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale jiidda hore ku soo bandhigay hub ay sheegeen inay ciidamadu ka furteen firxadka argagixisada Daacish.

Ciidamada oo ka faa’iideysanaya xagga hawada oo ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Emirate-ka Carabta ayaa mararka qaarkood maleeshiyada ugu tagaya goobaha ay gabaadsaneyso.

Ciidamada ayaa culeys weyn ku haya Daacishta Somaliya, hawlgalkuna wuxuu u muuqdaa mid ku dhow in laga adkaado Daacish, haddiiba aysan jirin meel ay ciidamadu uga harayaan maleeshiyadaasi, isla-markaana ay ugu tagayaan meelaha ugu dambeeya ay difaacaneyso.

Hawlgalkan ayaa waxaa sii xoojiyay oo dhiig cusub ku shubay ciidamo cusub, kuwaas oo 7-dii bishan loo daabulay goobta dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in hawlgalka uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee dalka looga suulin lahaa mintidiinta Daacish.

Dadka reer Puntland oo si iskood isku xilqaamaya ayaa ciidamada ku gacan siinaya, sidii ay uga takhalusi lahaayeen Daacish oo Gobolka Bari mooyee aan dalka intiisa kale wax saldhig ah ku lahayn.

Hawlgalkan ayaa shaki geliyay in Daacish ay sii joogi karto dalka, waana taariikh ay qorayaan Puntland iyo dadkeeda in laga adkaan karo kooxaha argagixisada ee suurad xumeynaya muuqaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc