Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa gelinkii dambe ee maanta xaqiijiyay in Raysal Wasaarihii Xukuumadda ee dhulka ay Xuutiyiinta maamulaan lagu dilay duqayntii ay Israel Khamiistii ka gaysatay Magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen.
Bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaare Ahmed Ghaleb Al Rahawi lagu dilay weerarka xagga cirka ee ay Israel ka gaysatay Sanca.
Raysal Wasaaraha ayaa lala dilay xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, xilli ay shir ku lahaayeen baa bayaanka lagu yiri Caasimadda Sanca.
Madaxtooyada Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dowladdu iyo hay’adahooda kale ay weli awood u leeyihiin inay gutaan waajibaadka loo igmaday, ka dib markii xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay dishay Israel.
“Dhiigga shuhadada waaweyn wuxuu noqon doonnaa shidaal iyo dhiirigelin, si aan ugu sii socono waddadii hore.” Ayaa lagu yiri bayaan Madaxtooyada Xuutiyiinta.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan u caddeynaynaa dadkeenna Yemen, wiilasha shacabka Falastiin ee dulman, dhammaan wiilasha qarankeenna iyo dhammaan dadka xorta ah ee adduunka inaan sii wadayno mowqifkeenna asalka ah ee taageerada iyo caawinta wiilasha Gaza, dhismaha ciidamadayada qalabka sida iyo horumarinta awooddooda, si ay uga hortaggaan dhammaan caqabadaha iyo khatarta.”
Bayaanka ayaa intaasi ku daray in mowqifka dadka Yemen uu ku dhisan yahay go’aan rabitaan iyo iimaan, si loo xaqiijiyo in la joojiyo duulaanka Israel ee Gaza iyo in la soo afjaro go’aaminta saaran.
Jimcihii, Warbaahinta Israel ayaa tebisay, iyadoo soo xiganeysa ilo wareedyo dowladda ah in Ciidamada Israel ay garaaceen goob ay ku sugnaayeen Raysal Wasaaraha Xuutiyiinta iyo 12 ka mid ah Golihiisa Wasiirada.
Xuutiyiinta Yemen ayaan xaqiijin tirada guud ee xubnaha lagu dilay weerarka gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay Magaalada Sanca.
Waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo Israel ay dhagarto xubno ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta, ka dib 13 bilood oo duqaymo ay ka gaysaneysay bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Israel ayaa bishii July ee sanadkii 2024 bilowday inay duqayso bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalkaasi, si ay uga jawaabto weerarada Xuutiyiinta ay garab istaaga ugu muujiyaan Falastiiniyiinta reer Gaza.
Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa taageerada shacabka Yemen ee dadka Gaza ku tilmaamay waajibaad diineed, akhlaaqeed iyo mid bani’aadantinimo.