Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay khasab ku noqotay inay ka baxaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, saacado ka dib markii ay duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadeen magaaladaasi.
Israel ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka militari ee lagu la wareegayo Magaalada Gaza, iyadoo la fulinayo go’aankii Golaha Wasiirada ka soo baxay 8-dii bishan ee ku saabsanaa in si toos ah loo qabsado Magaalada Gaza, isla-markaana amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel. Magaaladan ayaa ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.
Israel ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Magaalada Gaza ay tahay aag dagaal oo khatar ah, dhammaan dadka rayidka ahna waxay ugu yeertay in ay isaga baxaan. Qaramada Midoobey ayaa waxay sheegtay in duulaankan uu soo afjarayo gargaarkii xadidnaa ay Israel dhawaan ogolaatay in la geeyo magaaladaasi, oo sida ay sheegtay ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof, isla-markaana hawlgalka qorsheysan ee militari uu uga sii darayo gaajadii ka jirtay magaalada iyo guud ahaanba Marinka Gaza.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa Israel uga digay in qorshaha ay dooneyso inay ku qabsato magaaladaasi uu kordhin doono fursadda ay maxaabiis ahaan ugu qabsan karaan askar ka tirsan ciidamadeeda iyo in hawlgal kasta oo Militariga Israel uu halis gelin doono nolosha maxaabiista harsan.
Guutooyin ka tirsan Militariga Israel oo wata taangiyadooda iyo sidoo kale madaafiicda goobta ayaa gudaha u galay xaafadaha Sabra iyo Zaytun (Zaytoun), ka dib markii ay ka soo tallaabeen deegaanada koonfurta Israel ee xadka la leh magaaladaasi.
Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda iyo maraakiibtooda dagaalka ee ku hareereysan xeebaha Marinka Gaza ayaa si xeeladeysan isugu soo fidiyay xaafadahaasi.
Ciidamada Israel ayaa waxay sidoo kale gudaha u soo galeen deegaanada waqooyiga Marinka Gaza ku yaala ee Jabalia iyo Al-Nazla, halkaas oo ay ka soo galeen soohdimaha Al-Saftawi iyo Sheikh Radwan, waxayna saacadihii hore ee duulaanka ay wax kalba ciidamadaasi ugu muuqdeen si caadi ah.
Mowjadda ayaa dhanka kale isku rogtay, markii Ciidamada Israel uu xalay weerar culus ku qabsaday goobihii ay gudaha u soo galeen ee Magaalada Gaza, gaar ahaan xaafadda Zaytun, taas oo noqotay mid aysan mahdin duulaankoodii dhinaca dhulka ee magaaladaasi ku soo qaadeen.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xamaas ay jihooyin kala duwan ka soo weerareen Ciidamada Israel, xilli ay xirnaayeen tuutaha Militariga Israel, isla-markaana ay xaaladdii goobta u bedeleen heer ay Ciidanka Cirka Israel kala garan waayaan labada dhinac kuwa ay askartoodu yihiin.
Militariga Israel ayaa sheegay in sideed askari ay kaga dhaawacmeen qarax ay Xamaas xalay la beegsatay gaari gaashaaman, isla-markaana ay mid ka mid ah xaaladdiisu liidato. Waxay kaloo qirteen in ay waayeen xiriirka qaar ka mid ah askartooda. Warbaahinta ayaa militariga ka soo xigatay in askarta la la’yahay ay tiradoodu afar gaareyso.
Warbaahinta Israel ayaa waxay kaloo ku warantay hal askari uu ku dhintay, 11 kalena ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen iska horimaadkii xalay ka dhacay Magaalada Gaza.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in si ku-meel-gaar ah loo hakinayo hawlgalka ballaaran ee magaaladaasi, isla-markaana ay ciidamada lugta goor horeba bilaabeen inay ku soo laabtaan barrihii ay ka duuleen, laakiin militariga uu Sabtidan ballaariyay duqaynta xagga cirka ee magaaladan.
Barraha bulshada ayaa si weyn la isku la wadaagay sawirro muujinaya afar askari oo xiran dareyska Ciidanka Difaaca Israel oo jilbaha ku taagan, isla-markaana ay hortaagan yihiin dagaal-yahano wejiyada u duuban yihiin oo ka tirsan Xoogaga Xamaas.
Arrintan ayaa guux ka dhalisay gudaha Israel iyo in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu & Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa lagu dhalleeceeyo in sidaan oo keliya ay doonayeen.
Xamaas ayaan iyadu xaqiijin, haddii ay gacanta ku dhigtay askarta ka maqan Ciidamada Israel iyo in kale, marka laga soo tago in ay soo bandhigtay sawirka askari Israeli ah oo dhulka lagu jiidayo. Xamaas ma sheegin inay askarigaasi ku qabatay dagaalkii xalay iyo in kale.
Warbaahinta Cibriga ee afka maamulka ku hadasha ayaa goor dambe sheegtay in ciidamadu ay heleen afartii askari ee raq iyo ruuxdooda la waayay, isla-markaana la helay iyagoo nool.
Warbaahintu waxay sheegtay in afarta askari ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay, taasna ay soo afjareyo xiisad saacado ka dhex jirtay ciidamada iyo bulshadaba.
Askartan ayaa la sheegay in la helay, ka dib baadi-goob xoog leh oo loo galay, sidii loo xaqiijin lahaa badqabkooda, ugu dambayna lagu guuleystay soo celintooda.
Fallanqeeyaha arrimaha militariga ee lagu magacaabo Elijah Magnier ayaa sheegay in weerarkii gaadmada ahaa ee Ciidamada Israel ku qabsaday Magaalada Gaza uu yahay madax xanuun istiraatiiji ah.
Elijah Magnier ayaa Al Jazeera u sheegay in weerarku uu muujinayo caqabadaha taatiko iyo kuwa siyaasadeed ee ay Israel ku wajaheyso duulaankeeda magaalada.
Magnier ayaa intaasi ku daray in weerarka magaaladan uu cawaaqib nafsiyeed ku yeelan doono Ciidamada Israel, isla-markaana ay u badan tahay in uu sii kala qaybiyo shacabka Israel.
Iyadoo Israel ay qarineyso fadeexadda ka qabsatay bilowga duulaanka Magaalada Gaza ayay maanta oo dhan duqayn aan kala joogsi lahayn ka wadday magaaladaasi. Ciidamada Cirka, Badda iyo kuwa ku sugan xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza ayaa tan iyo saakay garaacaya magaaladaasi.
Xaafadaha Zaytoun, Sabra iyo Al-Nasr ayaa lagu sheegay meelaha ugu daran ee duqayntu ku hoobaneyso. Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in Israel ay duqaysay teendhooyin dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku yaala Zaytoun iyo Al-Nasr.
11 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu dilay foorno rootiga lagu sameeyo oo ku taala Magaalada Gaza. Dadkan ayaa waxaa la sheegay in duqayn cirka ah lagu qaaday, xilli ay saf ugu jireen rooti ay cunnaan. Foornadan ayaa waxay ka mid tahay foornooyinka loogu adeego bulshooyinka barakacayaasha ee ku nool magaaladaasi.
In ka badan lixdan qof oo dad rayid ah ayaa maanta oo keliya lagu dilay Marinka Gaza, oo ay ku jiraan dhowr iyo toban qof oo la dilay, iyaga oo raadsanaya in gargaar bani’aadantinimo la siiyo.
Ugu yaraan 63,400 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka 159,835 kalena lagu dhaawacay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.