Home Wararka Caalamka Dad hor leh oo gaajo ugu dhintay gudaha Gaza

Dad hor leh oo gaajo ugu dhintay gudaha Gaza

by Laacib

Waxaa isa soo taraya dadka gaajada ugu dhimanaya Marinka Gaza ee ka dhalatay xanibaadaha Israel ee gargaarka bani’aadantinimo ee sida weyn ay dadka reer Gaza ugu baahan yihiin.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Sabtidan sheegtay in ay diiwaangelisay 10 xaaladood oo dad gaajo iyo nafaqo darro ugu geeriyoodeen gudaha Gaza, 24-kii saac ee la soo dhaafay.

“Dadkan macluusha gacan ku sameyska ah ee Israel u geeriyooday waxaa ku jira saddex carruur ah.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.

Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in tani ay wadarta guud dadka xaaladaha macluusha ugu dhintay Gaza ay ka dhigeyso 332 qof, oo ay ku jiraan 124 carruur ah.

54 ka mid ah kiisaska dadka gaajada ugu dhintay Gaza ayaa la diiwaangeliyay, tan iyo markii Qaramada Midoobey ay 22-kii August ku dhawaaqday in ay macluul ka dilaacday Marinka Gaza.

Dadku ayaa waxay gaajada ugu dhimanayaan Gaza, iyadoo kolonyada gargaarka lagu hortaagan yahay isgoysyada laga soo galo dhulka go’doonsan, sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

Dadka sida ula kaca ah loo gaajeysiiyay ayaa qaarkood dhimanaya, iyaga oo sugaya in la siiyo cunta ay cunnaan.

UNRWA ayaa war ay maanta soo saartay ku sheegtay in xaaladda aysan sidaan ku sii socon karin, loona baahan yahay in Israel ay fasaxdo kaalmada bani’aadantinimo ee dunida ugu tala-gashay in wax lagaga qabto dhibaatada ba’an ee bani’aadantinimo ee ka jirta qaybaha Gaza oo dhan.

Hay’addan ayaa waxay ka digtay in barakaca cusub ee ka socdo Magaalada Gaza ee Marinka Gaza uu horseedayo masiibo kaloo bani’aadantinimo, isla-markaana aysan suurtagal ahayn in dadkaasi ay helaan daryeelka ay u baahan yihiin, haddii ay noqoto in dib u dejin loo sameeyo iyo in la siiyo wixii ay cuni lahaayeen, inta ay xaaladdu sidaan u cakiran tahay.

UNRWA ayaa waxay dalbatay in Israel ay ogolaato in dadka rayidka ah la gaarsiiyo gargaar ku fulin, si ay xaaladda dadkaasi uga soo reyso.

UNRWA ayaa ku celisay in bakhaaradeeda Masar iyo Jordan ay buux-dhaafiyeen gargaarka ay dunida keenayso, haddana ay caqabad weyn ka haysato, sidii ay ku gayn lahayd Marinka Gaza.

Go’doominta sii socoto Israel ee gargaarka naf badbaadinta ayaa ka carreysiisay bulshada caalamka, waxaana Jimcihii oo ugu dambeysay cambaareeyay lix Wasiir Arrimo Dibadeed oo Yurub ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc