Israel ayaa waxay sheegtay in ay bartilmaameedsatay goob uu ku sugnaa Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Abu Ubaida.
Militariga Israel ayaa xalay sheegay in weerar xagga cirka ah shalay galab lagu beegsaday goob ku taala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, oo ay ogaadeen inuu ku sugan yahay Afhayeenka Hawlgalada Xamaas.
Militariga ayaa sheegay in laga yaabo in Abu Ubaida uu ku dhintay duqaynta ay ka fuliyeen magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Saraakiil ka tirsan Militariga Israel ayaa Telefishinka Channel 12 ee Israel u sheegay in aanu weli kala caddeyn in isku daygaasi uu guuleystay iyo in kale, balse ay weli qiimeynayaan natiijada.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaan wax war ah ka soo saarin sheegashada Israel ee ku aaddan in la beegsaday Abu Ubaida.
Abu Obaida ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah saraakiisha loogu doon-doonista badan yahay ee ka tirsan Xamaas, isla-markaana ay marar hore guuldareysteen isku dayo ay Israel ku dooneysay in ay saaxada dagaalka kaga saarto.