Taliska Militariga Israel ayaa ku hanjabay inay dili doonaan Saraakiisha Ururka Xamaas ee ku nool dalalka dibadda.
General Eyal Zamir, Taliyaha Ciidamada Israel ayaa ku goodiyay inay hadaf ka dhiganayaan Madaxda Xamaas ee dibadda, xilli ay Tel Aviv sii waddo dagaalka burburinta ee Marinka Gaza.
Taliyaha ayaa sheegay in ay wadaan guluf dagaal, kaas oo sida uu sheegay ay ku burburinayaan Xamaas, isagoona ku hanjabay in gacantoodu ay gaari doonto Hoggaamiyeyaasha Xamaas ee dibadda.
“Falalkayagu weli ma dhammaan, inta badan Hoggaanka Xamaas ee harayna waa kuwa dibadda, waana gaari doonnaa iyaga.” Ayuu yiri Taliyaha oo hadalkan ku sheegay war uu xalay soo saaray.
Taliyaha ayaa tilmaamay in Ciidamada Israel ay u shaqeynayaan si weerr ah, iyagoo leh buu yiri hindise iyo sarreyn howleed, isla-markaana aysan hawlgaladoodu ka reebaneyn dhammaan fagaareyaasha iyo weliba waqti kasta.
“Weerarada muhiimka ah ee Ciidanka Difaaca Israel ayaa waxaa qayb ka ah Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo goobo kale.” Ayuu yiri Taliyaha Militariga Israel.
Hadalka ka soo yeeray Taliyaha ayaa imanaya saacado ka dib, markii Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel uu sheegay in Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Abu Ubaida lagu dilay hawlgal wadajir ah, oo sida uu sheegay ay iska kaashadeen Ciidamada Israel iyo Hay’adda Sirdoonka Gudaha ee Shin Bet.
Militariga Israel ayaa habeen hore sheegay in loo maleynayo in Abu Ubaida uu ku dhintay duqayn ay galabnimadii Sabtida ka fuliyeen Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Wasiir Katz ayaa Axaddii sheegay in qiimeyntooda ay ku ogaadeen in saaxada dagaalka laga saaray Afhayeenkii Hawlgalada Xamaas, oo magaciisa uu ku sheegay Hudayfa Samir Abdallah Al Kahlout (Abu Ubaida).
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xamaas oo ku aaddan sheegashada Israel ee dilka Abu Ubaida.
General Eyal Zamir, Taliyaha Ciidamada Israel ayaase ku faanay in dilka Abu Ubaida uu dabo socdo weeraro xiriir ah, oo Ciidanka Difaaca Israel ay ka fuliyeen Lubnaan, Suuriya, Yemen iyo goobo kale, sida uu yiri.
“Tani ma ahan dhammaad.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Israel oo sheegaya in ay isha ku hayaan Saraakiisha Siyaasadda Xamaas ee dibadda.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waan sii wadaynaa dadaalka iyo hawlgalada aan ku soo celinayno dhammaan la haysteyaasha, kuwa nool iyo kuwa dhintayba.”
Hanjabaadda jananka ayaa dareen gelineysa dalalka Turkiga iyo Qatar, halkaas oo ay ku nool yihiin inta badan Saraakiisha Siyaasadda Xamaas, mana ahan markii koowaad oo Israel ay ku hanjabto inay dili doonto Saraakiisha Xamaas ee dibadda.
Saraakiisha kale ee Xamaas ee ku nool dibadda ayaa dib u dejin ka helay dalalka Iran, Suurya iyo Lubnaan, inkastoo kuwooda caanka ah amaba saamaynta leh ay degan yihiin Qatar iyo Turkiga.