Doomo badan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii ka ambabaxay Magaalada Barcelona ee dalkaasi Spain, iyagoona ku sii jeeda Marinka Gaza.
Doomahan ayaa sida gargaar bani’aadantinimo oo loogu talagalay in wax lagaga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta Gaza oo dhan, ka dib go’doominta adag ee Israel.
Doomaha ayaa waxaa la socda kooxaha u dhaqdhaqaaqa xornimada Falastiin iyo dad kale, oo sida la sheegay ka xumaaday silica iyo darxumada ay Israel u leynayso dadka rayidka ah.
Kumanaan qof oo taageeraya in la diro doomo badan oo gargaar ah ayaa isugu soo baxay barxadda Barcelona, kuwaas oo xirnaa funaanadaha ku buufsan Calanka Falastiin iyo qaarkood oo watay cimaamadda astaanta u ah shacabka Falastiin. Dadkan oo sidoo kale watay Calanka Falastiin ayaa ku qaylinayay ‘Falastiin ha xorowdo’.
Ololahan ballaaran ee gargaarka lagu gaarsiinayo dadka reer Gaza ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Ururka Caalamiga ah ee Freedom Flotilla Coalition, kaas oo wacad ku maray in ay gargaarka bani’aadantinimo dhinaca badda ku gaarsiin doonaan dhulka go’doonsan.
Isku daygan ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee illaa iyo hadda lagu jebinayo go’doominta muddada dheer ay Israel ku hayso dhulka xeebta ee Falastiin.
Gaadiidka badda ee ku wajahan Gaza ayaa lagu sheegay labaatan doomood iyo wufuud ka kala socda 44 dal. Go’doominta Israel ee Marinka Gaza ee dhinaca badda ayaa hadda galay sanadkiisii 19aad, iyadoona go’doominteeda dhulka ay xoojisay muddada uu dagaalkan socdo. Israel ayaa sanado badan kontorooleysay hawada, badda iyo dhaqdhaqaaqa xuduudda dhulka ee Gaza.
Flotilla ayaa waxay sheegtay in ay wadaan cunto, biyo iyo dawo, waxayna Israel ugu yeertay in ay ogolaato in kaalmada bani’aadantinimo ay si nabdoon ku gaarsiiyaan dadka gaajada ugu dhimanaya gudaha Gaza.
Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ayaa Axaddii ku hanjabay inay ka hortagi doonaan doomahaasi, isla-markaana aysan ogolaan doonin in ay furaan marin badeed oo gargaarka aadka loogu baahan yahay lagu gayn karo Marinka Gaza.
Qaramada Midoobey ayaa 22-kii bishii August ku dhawaaqday in ay macluul ka dilaacday Gaza, iyadoo dhanka kalena codsatay in dunidu ay qaaddo tallaabo looga baaqsan karo dhimasho badan oo halkaasi ka dhacdo.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay dadka gaajada iyo nafaqo darrada ugu geeriyoonaya Gaza, taasoo Qaramada Midoobey ay ku sheegtay wax aad looga naxo.
Ugu yaraan 332 qof oo ay ku jiraan 124 carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay gaajo ugu dhinteen Gaza. Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa Sabtidii sheegtay in ay dadku gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza, iyadoo baabuurta gargaarka lagu hortaagan yahay bannaanadeeda.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa ka digay in shan boqol oo kun oo qof oo ka mid ah dadka ku nool Gaza ay halis ugu jiraan in ay gaajo u dhintaan.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Israel uga digay gargaarka ay sida hubka oo kale u adeegsaneyso, taas oo uu ku sheegay inay noqoneyso dembi dagaal.
Israel oo lagu sheego dowlad aan ixtiraamin xeerarka caalamiga ah, isla-markaana aan ilaalin nolosha dadka rayidka ah ayaa lagu eedeeyay in ay quursaneyso in ay dhageysato qaylo dhaanta caalamiga ah iyo walaaca xoogan ee laga muujinayo macluusha ku sii fideysa qaybaha Gaza.