Ururka Xuutiyiinta ayaa maanta sheegay in ay weerar gantaal ku qaadeen markabka ganacsiga ee SCARLET RAY, oo sida ay sheegeen ay leedahay Israel.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay gantaal ballaastik ah la heleen markabka SCARLET RAY, isla-markaana uu weerarku ka dhacay meel u dhow magaalada dekedda leh ee Yanbu ee dalka Sacuudiga. Magaalo xeebeedka Yanbu ayaa ku taala Badda Cas ee galbeedka Sacuudiga.
Wararka ayaa sheegaya markabka xamuulka ee SCARLET RAY in xilligii la weerarayay uu watay amaba uu ku gooshayay Calanka Liberia.
Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa sheegtay in markabka nooca booyadda uu Axaddii qarax ku qabsaday meel dhanka koonfur galbeed uga beegan magaaladaasi Yanbu.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa iyana sheegtay in markabku uu soo sheegay qarax aad u weyn oo ka dhacay meel u dhow Yanbu.
UKMTO ayaa intaasi ku dartay in shaqaalihii markabka ay dhammaantood badqabaan, isla-markaana ay sii wataan safarka socodkooda.
Ambrey ayaa mar dambe sheegtay in markabku uu u muuqdo mid uu weerar kaga yimid Xoogaga Xuutiyiinta, balse ma sheegin wax khasaare ah oo markabka ka soo gaaray weerarkaasi.
Xuutiyiinta ayaa war ay soo saareen ku sheegay in gantaalku uu ku dhacay markabka SCARLET RAY ee Israel.
Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii 2023 weerarayay maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, iyagoo ku mucaaradaya duulaanka ay bishii October ee sanadkaasi ku qaadday Marinka Gaza.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Xuutiyiinta Yemen ay ka carreysan yihiin dilka ay Israel u gaysatay Raysal Wasaare Ahmed Ghaleb Al Rahawi iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada.
Al Rahawi oo Raysal Wasaare ka ahaa dhulka ay Xuutiyiinta maamulaan ayaa isaga iyo xubnaha kale lagu dilay weerar xagga cirka ah, oo Israel ay Khamiistii ka gaysatay Magaalada Sanca.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa gelinkii dambe ee Axaddii ku hanjabay in aanay marnaba joojin doonin weerarada ay garab istaaga ugu muujinayaan dadka Gaza, illaa ay Israel ka joojiso gardarrada ay ku hayso.
Hoggaamiyaha ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in sidoo kale ay u aargudi doonaan dadkoodii ku shahiiday weerarka Khamiistii ka dhacay Sanca.