Dowladda Ingiriiska ayaa qarka u saaran in ay qaadato go’aan ay si rasmi ah ugu aqoonsaneyso dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin, taasoo ay Israel si weyn uga soo horjeeddo.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa 29-kii bishii July ku hanjabay in London ay bishan September aqoonsan doonto Dowladda Falastiin, haddii aysan Israel ogolaanin shuruudo ay ka mid yihiin in la joojiyo dagaalka Gaza, in la qaado xanibaadaha gargaarka bani’aadantinimo, si wax looga qabto dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee halkaasi ka taagan iyo inay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Raysal Wasaare Starmer ayaa xilligaasi sheegay in shuruudahan iyo in Israel oo la timaado rabitaan ku aaddan nabadda mustaqbalka fog, ka hor bisha September ay UK ka baajin karaan in Tel Aviv la’aanteed ay aqoonsadaan Falastiin.
Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaan wax tixgelin ah u muujin shuruudaha London, tanina waxaa la leeyahay waxay Britain ku jiideysaa in ay Tel Aviv ka tagto, iyadoo bedeladeysa mowqifkeedii taageerada ee maamulkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa lagu wadaa in maanta uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka, si uu ugu xaqiijiyo in dowladdu ay ku tala jirto in bishan ay aqoonsato Falastiin, haddii Israel aysan muujin wax calaamad ah oo ay ku buuxineyso dalabaadka London.
Wargeyska Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa qoray in Wasiir Lammy uu Aqalka Commons u sheegi doono in saraakiishu ay maalmaha soo socda qiimeyn ku samayn doonaan, haddii Israel ay u hoggaansantay shuruudaha dowladda iyo haddii kaleba.
Ingiriiska ayaa ku sii dhawaanaya in uu aqoonsiga Falastiin kaga dhawaaqo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee toddobaadyada soo socda ka qabsoomi doona dalkaasi Mareykanka.
Meertada 80aad ee Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayay madaxdu 23-ka bishan kaga qaybgeli doonaan Magaalada New York.
Marka laga soo tago Ingiriiska, dalal kale oo reer galbeed ah oo Faransiiska, Malta, Canada iyo Australia ay ka mid yihiin ayaa go’aansaday in shirkaasi ay kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.
Dowlado kale oo reer Yurub ah ayaa ka fekeraya in ay qaadaan tallaabadaas oo kale, si hoggaamiyeyaasha dalalkaasi ay isaga yareeyaan culeyska ka haysta shacabkooda ee lagaga dalbanayo in ay xiriirka u jaraan Israel iyo inay cunaqabateyno saaraan, si loogu ciqaabo dembiyadeeda aan dhammadka lahayn.
Go’aanka Ingiriiska uu ku aqoonsanayo Dowladnimada Falastiin ayaa muhiim u ah Falastiiniyiinta, maadaama uu jeexayo jid ay qaadi karaan dalalka qaar ee dib isaga dhigaya inay aqoonsadaan Falastiin, isla-markaana uu go’aankan dhiirigelin u noqon karo dalalkaasi.
221 Xildhibaan oo ka kala socda sagaal xisbi siyaasadeed ayaa horey u saxiixay warqad ay u direen Raysal Wasaare Keir Starmer, oo ay kaga dalbanayeen in uu qaato go’aan geesinimo leh oo dowladdiisu ay ku aqoonsaneyso Falastiin. 131 ka mid ah Xildhibaanada saxiixay warqadda ayaa ka tirsan Xisbiga Labour ee Raysal Wasaare Starmer, oo ay ku jiraan siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dalkaasi.
Benjamin Netanyahu, Hoggaamiyaha Israel ayaa Ingiriiska uga digay inuu aqoonsado Falastiin, sababtoo ah waxay abaalmarin u tahay buu yiri Xamaas.
Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay ayaa ka biyo diidan in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo in la joojiyo deegaameynta ay ka sameynayaan Daanta Galbeed. Caalamka ayaa sharci darro u arka deegaameynta iyo dhul boobka ay Israel ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto. Masuuliyiinta Israel ayaase ku andacoonaya in xaq diiniyin ah ay u leeyihiin Daanta Galbeed, isla-markaana aan la ogolaan karin yegleelidda Dowladnimada Falastiin.
Shacabka reer galbeedka ayaa hoggaamiyeyaashooda ku cadaadinaya in ay tallaabo ka qaadaan Israel, si la mid ah sida ay ugu dhiiran yihiin dalalka kale, marka ay xadgudubyada ku kacaan.
Baraarugga shacabka reer galbeedka iyo wacyigooda sii xoogeysanaya ayaa sabab u ah in ay ka horyimaadaan Israel, isla-markaana ay diidaan ku tumashadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa toddobaadkii hadda dhammaaday qiray in ay wajahayaan duufaan siyaasadeed iyo cadaadis caalami ah.
Wasiirka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalkaasi Mareykanka ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u fashilin lahaayeen in reer galbeedku ay aqoonsadaan Falastiin.
Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii fiisaha dal-ku-galka kala laabatay Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas iyo wafdigiisii isku diyaarinayay ka qaybgalka Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa laalay fiisaha Madaxweyne Abbas iyo 80 sarkaal oo kale, ka hor shir sanadeedka heerka sare ee Qaramada Midoobey. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa tani u sababeysay danaha amniga qaranka. Madaxweyne Abbas ayaa sanado badan khudbad ka jeedinayay Golaha Loo Dhanyahay, waana wejiga diblomaasiyadda ee Falastiiniyiinta ku metela fagaareyaasha caalamka.
Diidmada fiisaha Mareykanka ee wufuudda Falastiin ayaa dhalisay carro caalami ah, iyadoona ay si adag u cambaareeyeen dalalka reer galbeedka ee xulafada dhow la ah Mareykanka iyo Israel.
27-ka dal ee Midowga Yurub ayaa Maamulka Madaxweyne Donald Trump ugu yeeray inuu dib u eego tallaabadaas, oo ay ku sheegeen mid aan caddaalad ahayn.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa dhankeeda Mareykanka ugu baaqday in go’aankaasi uu dib u eego.
“Iyadoo la tixraacayo heshiisyada Xarunta Dhexe ee hadda jirta ee ka dhaxeysa Qaramada Midoobey iyo dalka martida loo yahay, waxaan ku boorrinaynaa in go’aankan dib loo eego.” Ayay tiri Kaja Kallas.
Aqoonsiga dalalka reer galbeedka ee Falastiin ayaa dharbaaxo siyaasadeed ku ah Israel, oo dooneysa in iyada oo qura la dhageysto, hadday noqoto gobolka iyo caalamkaba.
Xalka labada dal ayaa loo arkaa waddada keliya ee lagaga gudbo karo colaadda Bariga Dhexe iyo in nabad waarta ay ku wada noolaadaan Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta.