Ugu yaraan 812 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in ka badan 2,800 kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariir xoogan oo ka dhacay dalka Afghanistan.
Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.0 magnitude ayaa xalay ruxay gobolada bariga Afghanistan, iyadoona uu gaystay burbur baahsan.
Xukuumadda Taliban ayaa sheegtay in uu socdo hawlgal ballaaran oo samatabixin, balse gurmadka degdegga ah uu si weyn u saameeyay waddooyinka go’an.
Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo isbitaalo gudaha ah, hoy, cunto iyo biyo nadiif ah, ka dib dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaasi, tan iyo sanadkii 2015.
Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Suhail Shaheen ayaa sheegay in khasaaraha nafeed uu kordhi karo, maadaama xogta samatabixinta sida uu yiri aan weli si buuxda loo helin.
Afhayeenka ayaa sheegay in deegaanada uu dhulgariirku ka dhacay ay ka jirto baahi weyn, marka aad eegto khasaaraha ballaaran ee dhulgariirku uu sababay.
Xaaladda Gobolada Kunar, Nangarhar, Laghman iyo Nuristan ayaa la sheegay in Isniintan ay aad u cakiran tahay, isla-markaana meelaha qaarkood ay dad ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Xafiiska Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobey (OCHA) ayaa sheegay in dad fara-badan ay ku go’doonsan yihiin dhulka fogfog ee buuraleyda, isla-markaana aysan gaari karin kooxaha samatabixinta ee dhinaca dhulka.
OCHA waxay sheegtay in dhulgariirku uu si toos ah u saameeyay laba iyo toban kun oo qof (12,000), kuwaas oo ay ku jiraan kuwo ay sheegtay inay guryaha ku dumeen.
Waddooyinka ugu muhiimsan, kuwa uu dhulgariirku burburiyay mooyee ayaa qaarkii kale waxaa xiray oo jaray dhegxaan waaweyn oo ka soo rogmaday buuraha. Waddooyinkii kale ee markii horeba ciriiriga ahaa ayaa iyana xiran.
Kooxaha gurmadka ayaa la sheegay inay halgan ugu jiraan, sidii ay ku gaari lahaayeen goobahaasi, si ay gacan ugu fidiyaan dadka ay xaaladda adag ku haysato.
Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa waxay sheegtay in ay raashiin gayneyso deegaanada uu dhulgariirku ka dhacay ee dalkaasi.
Hay’adda WFP ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay ku sugan yihiin goobaha uu dhulgariirku saameeyay, isla-markaana ay ka shaqeynayaan, sidii ay cuntada u gaarsiin lahaayeen dadka u baahan.
WFP ayaa qoraal ku sheegtay in sidoo kale ay diyaar u tahay in hay’adaha kale ee bani’aadantinimada ay kala shaqeyso dhanka saadka iyo adeegyada hawada.
Dhulgariirkan ayaa imanaya, ka dib daadad iyo dhul go’ khasaare badan sababay oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay qaybo ka mid ah dalkaasi.