Home Dhacdooyin Belgium oo ku biirtay halka ay mowjaddu u socoto, iyadoo aqoonsaneysa Falastiin

Belgium oo ku biirtay halka ay mowjaddu u socoto, iyadoo aqoonsaneysa Falastiin

by Laacib

Dowladda Belgium ayaa ku dhawaaqday in ay ku biireyso mowjadaha dalalka reer galbeedka ee u dhaqaaqaya in la aqoonsado dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Belgium, Maxime Prevot ayaa shaaca ka qaaday in Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay kaga dhawaaqi doonaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.

Wasiirka ayaa Talaadadan sheegay in Belgium-ka uu si rasmi ah uu daba-yaaqada bishan ugu dhawaaqi doono aqoonsigooda Falastiin.

“Falastiin waxaan ku aqoonsan doonnaa fadhiga Qaramada Midoobey.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Belgium-ka oo dhanka kalena sheegay inay cunaqabateyn adag ku soo rogi doonaan Israel.

“Israel waxay wajihi doontaa 12 cunaqabateyn oo ka socota Belgium.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray in cunaqabateynta ay ku jiri doonaan mamnuucidda alaabaha laga keeno deegaanada sida sharci darrada ah Israeliyiinta looga sameeyay Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto iyo in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadaha wax iibsiga dadweynaha ee shirkadaha Israel.

Go’aanka Brussels ay ku aqoonsaneyso Dowlad Falastiini ayaa cadaadiska ku kordhinaya Israel, oo gebi ahaanba diidan in laga garab dhiso dal ay deris yihiin, tiiyoo ay haddana dunida u aragto xalka qura ee nabad loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe.

Dalalka Malta, Faransiiska, Canada iyo Australia ayaa horey si rasmi ah ugu dhawaaqay in bishan September ay aqoonsanayaan Falastiin.

Ingiriiska ayaa isna la filayaa in uu waddadaasi raaci doono, si loo xoojiyo jawaabta caalamiga ah ee lagu diidan yahay ficilada Israel ee xadgudubka ku ah shuruucda caalamiga ah.

Dalal kale oo reer Yurub ah ayaa ka fekeraya, sidii ay u aqoonsan lahaayeen dowlad cusub oo xubin ka ah Qaramada Midoobey, oo ay tahay in laga aasaaso Bariga Dhexe, taas oo ah Dowladda Falastiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc